26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo maanta ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Accra (Caasimada Online) – Wasiirada Difaaca iyo Deegaanka dalka Ghana Edward Omane Boamah iyo Ibrahim Murtala Muhammed iyo Lix ruux oo kale ayaa ku geeriyooday diyaarad Helikobter ah oo shil ku gashay gobolka Ashanti ee koonfurta dalkaasi.

Dowladda Ghana, ayaa goordhow ku dhawaaqday in shilkaasi uu dhacay oo wasiirkii gaashaandhigga iyo xubno kale oo muhiim ah ay ku dhinteen.

Dadka kale ee la xaqiijiyay inay ku dhinteen shilkan waxaa ka mid ah Alhaji Mohammad Muniru Limuna, oo ahaa ku-xigeenka isku-duwaha ammniga dalkaasi, horayna usoo noqday wasiirkii beeraha, iyo Samuel Sarpong, oo ahaa guddoomiye ku-xigeenka xisbiga National Democratic Congress (NDC) ee uu hoggaamiyo Mahama.

Ciidamada cirka Ghana ayaa horey u sheegay in diyaarad militari ah oo ahayd helicopter ay ka luntay raadaarka wax yar kadib markii ay ka duushay magaalada Accra.

Diyaaradda ayaa kusii jeeday magaalada Obuasi oo ku taalla waqooyiga galbeed ee caasimaddan dalkaasi Ghana, sida lagu sheegay warbixinta dowladda.

Dowladda Ghana ayaa ku dhawaaqday in calanka dalkaasi hoos loo dhigi doono muddo dhowr maalmood ah, taasi oo ah baroordiiq loo sameynayo masuuliyiinta ku geeriyootay Shilka.

Madaxweynaha dalka Ghana, John Dramani Mahama, ayaa hakiyay dhammaan howlihiisii rasmiga ah, si loo muujiyo murugada dhacdadaan galaafatay masuuliyiintaas muhiimka ahaa.

- Advertisement -

Read more

Local News