25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Ciidanka dowladda iyo kuwa Uganda oo si buuxda maanta ula wareegay Bariire

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire, sida ay goordhoweyd shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayay ciidamada iskaashanaya si guul ah ula wareegeen galabta, kaddib dagaal socday muddo toddobaad ah.

Intii lagu guda jiray howlgalka, in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la dilay, sida ay sheegtay dowladda.

Sidoo kale, waxaa gacanta lagu dhigay maxaabiis nool oo ka tirsan kooxda. Ciidamada ayaa haatan ka wada magaalada iyo deegaannada ku xeeran hawl-gallo nadiifin ah, iyagoo gacanta kusoo dhigay hub iyo saanad ciidan oo fara badan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bogaadisay geesinnimada Ciidanka Xoogga Dalka, AUSSOM iyo taageerada saaxiibada caalamka, iyadoo sheegtay in ay dib ka soo saari doonto faahfaahin dheeraad ah marka la soo gabagabeeyo ururinta xogta.

Dagaalladii u dambeeyay ee Bariire ayaa waxaa qeyb ka ahaa duqeymo uu fuliyay Mareykanka, kuwaas oo ay ku taageerayeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee howl-galka ka waday halkaasi.

Bariire waxaa horey gacanta ugu haysay kooxda Al-Shabaab, iyadoo ugu dambeyn maanta laga saaray. Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xooggan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab, waxaana ay kasoo abaabulaan weerarada ay ka fuliyaan gudaha caasimadda.

- Advertisement -

Read more

Local News