25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Daawo: Wasiir Fiqi oo ka hadlay dagaalka, fartana ku fiiqay ‘dad u adeega Al-Shabaab’

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalka ka socda gobolka Shabeelllaha Hoose, tirada Khawaarijta looga dilay Bariire iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo nolosha lagu qabtay.

Wasiirka ayaa sheegay in ku dhawaad 120 Khawaarij ah lagu dilay magaalada Bariire, iyadoo cadowga halkaas looga furtay hub iyo saanad ciidan, kadib markii maleeshiyaadkii firxaday ay hubkooda tureen.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegay in uruurinta hubka ay barbar socoto asturidda meydadka Khawaarijta oo daadsan gudaha magaalada.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Bariire ay tahay magaalo istaraatiiji ah, isla markaana xoreynteeda ay dowladda u tahay isgoys muhiim ah.

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku dabaal-degaya Buundada Bariire ayaa soo bandhigay muuqaalo ay iska duubeen, Buundadaas waxaa jiray Khawaarijta oo qaraxyo ku xirtay.

Ciidanka ayaa sidoo kale bandhigay qaar kamid ah hubkii iyo saanadii ciidan oo ay ka furteen Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan mootooyin ay u adeegsanayeen weerarradooda.

Wasiir Fiqi, oo hambalyo u diray ciidamada guushaan soo hooyey oo isugu jira Xoogga Dalka, NISA iyo Ciidamada Uganda ee AUSSOM ayaa sheegay in howlgalku uu hadda bilow yahay, isla markaana maalmaha soo socda ay ciidamadu xorey doonaan deegaano kale oo muhiim ah.

sidoo kale Wasiir Fiqi, ayaa sheegay inay jiraan “kooxo daba-dhilif Soomaali iyo Ajaanib isugu jira” kuwaas oo cadowga Khawaarijta ah u faafinaya dacaayado raqiis ah, sida inay (qabsa doonaan Muqdisho) Wuxuu yiri “Taasi ma dhaceyso, waana habeenkii xalay ahaa oo tegay.”

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News