24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

Dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoog leh oo ka socda HIIRAAN

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan abaabul ciidan oo xoog leh.

Abaabulkan ayaa lagu xoojinaya howl-gallada lagu doonayo in dib looga saaro kooxda Al-Shabaab deegaannada ay weli gacanta ku hayaan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan.

Howl-galkan ayaa lagu sheegay mid ka duwan kuwii hore, iyadoo qorshuhu yahay in deegaannada la qabsado lagu wareejiyo ciidamo boolis ah oo Dowladda Federaalka iyo maamulka HirShabelle si wadajir ah u diyaarinayaan.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa dhisaya saldhigyo ku yaalla duleedka magaalooyinka, si ay uga hortagaan weerarrada ka iman kara Al-Shabaab, isla markaana loo adkeeyo amniga goobahaas.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa tilmaamay in isku-xirka howl-galada Hiiraan iyo kuwa ka socda gobollada deriska ah uu noqday mid mudnaan leh, halka masuuliyiinta maamulka ay xoogga saarayaan kicinta bulshada iyo xoojinta wada-shaqeynta bulshada deegaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dardar-gelinaysa dagaalka Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay uu gaabis ku yimid, iyadoo maalmo ka hor ay ciidamadu howl-gal ku dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah.

Si kastaba, howl-gallada ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku wadaan sidii loo ciribtiri lahaa Al-Shabaab, loona xaqiijin lahaa amniga shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60