27.9 C
Mogadishu
Thursday, August 28, 2025

Xubnaha mucaaradka ee ka haray heshiiska Xasan oo shir xasaasi ah ku leh Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku haray Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa haatan shir xasaasi ah ku leh Muqdisho, iyaga oo ka arrisanaya xaaladaha soo kordhisay, gaar ahaan heshiiskii maalin kahor ka dhacay Villa Somalia ee u dhexeeyay madaxweyne Xasan iyo 4 kamid ah xubnihii mucaaradka ee ka baxay Madasha.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in kulankan oo ay goobjoog yihiin inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ee ku haryn Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ay ka ka tashanayaan jawaab ay ka bixiyaan heshiiska la gaaray oo taabanaya doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay.

Bayaan culus ayaa la filayaa inay soo saaraan mucaaradka shirsan, kaas oo ay ku caddeynayaan mowqifkooda ku aadan heshiiska dhacay oo dhaliyay xiisad culus, maadaama ay kala qaybsameen xubnihii mucaaradka ee markii hore wada dhistay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah xubnaha shirka fadhiya ayaa shalay BBC-da u sheegay in weli ay taagan tahay Madashu, isla markaana aanu isbeddalin mowqifkooda, isaga oo ka horyimid heshiiska shalay la gaaray.

Warsame ayaa heshiiska ku tilmaamay aragti u gooni ah xubnaha heshiiska la qaatay madaxweynaha, wuxuuna intaasi ku daray in weli iyagu ay diidan yihiin hannaanka uu wax ku wado Xasan Sheekh oo ay horay isugu fahmi waayeen wada-hadalladii dhacay.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in waxyaabaha ay ku dhaliilayaan Dowladda Federaalka aanay keliya ahayn arrimaha doorashada, balse ay diiddan yihiin qaabka ay u maamushay xiisadda ka taagan gobolka Gedo, la macaamilka maamul-goboleedyada, ku-takrifalka hantida dadweynaha iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in dadaalkooda ay sii wadi doonaan, isla markaana ay qabanayaan kulamada ka dhanka ah dowladda, inta laga gaarayo heshiis buuxa.

Heshiiska doodda dhaliyay ayaa waxaa qalinka ku duugay Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid, guddoomiyayaashii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan iyo Maxamed Mursal, iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Geelle, kuwaas oo la heshiiyay Madaxweyne Xasan, kadib markii ay shalay kulan ku yeesheen Villa Somalia, kaas oo laga soo saaray bayaan lagu sheegay in dhinacyadu ku heshiiyeen in Baarlamaanka uu doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Hoggaamiyayaasha iyo ku-xigeennada dowlad-goboleedyada waxaa soo dooranaya golayaasha wakiillada dowlad-goboleedyada,” ayaa lagu yiri bayaanka ay si wadajir ah u soo saareen dowladda iyo xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa sidoo kale qeyb ka ah in magacaabista Ra’iisul Wasaaraha uu leeyahay Madaxweynaha, iyadoo codka kalsoonida u qaadi doono Baarlamaanka, uuna awood u yeelanayo inuu kala laabtana.

- Advertisement -

Read more

Local News