24.9 C
Mogadishu
Thursday, August 28, 2025

Sawirro: Villa Somalia oo ka hadashay kulankii Xasan iyo wafdiga Imaaraadka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Mudane Sheekh Shakhboot bin Nahyan.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotodadheer ee ka dhexeeya labada dal, iyada oo si gaar ah loo eegay dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Sidoo kale, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa intii kulanka lagu gudajiray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay dhambaal khaas ah oo uu uga siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo uga mahadceliyay Wasiirka booqashadiisa iyo garab-istaagooda Soomaaliya, ayaa ku amaanay sida shacabka iyo Dowladda Imaaraadku taageerada u muujiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya, aya dhankiisa farriin gaar ah u gudbiyay Madaxwayne Maxamed bin Zayed Al Nahyan, taas oo wasiiru dowlaha uu ugu dhiibay, isagoo adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa tilmaamay dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga, dimuqraadiyeynta iyo horumarka dalka.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada, waxyaabaha laga wada hadlay waxaa ku jirta arrinta Suudaan oo Imaaraadku si toos ah ugu lug leeyihiin.

Wasiiru dowlaha maanta Muqdisho yimid waa masuulka galka arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Imaaraadka, socdaalkiisa ayaa ku soo aaday, iyadoo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu muddooyinkii u dambeeyay mugdi galay.

Dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa toos u eeganeysa Imaaraadka oo ku lug yeeshay qadiyado dhaawacaya Midnimada iyo Qarannimada Soomaaliya, halka Imaaraadku ay xitaa isku dayaan inay aragtida dowladda federaalka jiheeyaan.

Madaxtooyada Soomaaliya oo maanta faahfaahin ka bixisay safarkii uu Muqdisho ku yimid Taliyaha Sirdoonka ee dalka Suudaan G/Sare Axmed Ibraahim Cali Mufadal, ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo gaarsiiyay dhambaal uu ka soday Guddoomiyaha Golaha kumeel-gaarka Qaranka Suudaan Gen, Abdelfarah Burhaan oo ku aaddan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinac kasta oo dan u ah labada dal.

Dowladda Soomaaliya, ayaa horay ku taageertay dowladda Suudaan guulaha ay ka gaartay dagaallada ka dhanka ah Kooxda RSF ee Imaaraadku taageero, waana halkaas meesha seddaxda dal ay iska arkeen.

Imaaraadka oo xoogga saaraya in dowladda sharciga ah ee Suudaan uu meesha ka saaro ayaa taageera kooxda falaagada ah ee RSF oo dagaal ba’an kula jirta dowladda, halka dowladda Soomaaliya ay toos u taageertay jiritaanka iyo guusha dowladda sharciga ah ee Suudaan.

- Advertisement -

Read more

Local News