Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war kasoo saaray doorashadii maanta ka dhacday magaalada Laascaanood ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeenka cusub ee maamukaasi Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil.
Farmaajo ayaa guul u rajeeiyay madaxda la doortay, wuxuuna Alle uga baryay inuu u fudueeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.
“Hoggaanka la doortay ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari waxaan Eebbe uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo doortay oo ay ugu horreyso dhammaystirka dhismaha hay’adaha dowladeed, xoojinta midnimada iyo wadajirka bulshada deegaanka, adkaynta amniga iyo xaqiijinta hiigsiga dadja deegaanka” ayuu yiri Maxamed Farmaajo.
Sidoo kale, wuxuu boggaadiyay Xildhibaannada, Guddoonka iyo Guddiga Doorashada, musharrixiinta iyo laamaha amniga, isaga oo ku adkeeyay bulshada iyo hoggaanka Waqoogi Bari in ay xoojiaan midnimada iyo wadashaqeynta ku aaddan nabadda iyo horumarka.
Horay dhammaan kan lamid ah waxaa u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee maamul-goboleedka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdirishiid Yuusuf Jibriil.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey bisaylka ay muujiyeen Xildhibaannada, Guddoonka iyo musharraxiinta Madaxtinimada ee ku loollamay Waqooyi Bari Soomaaliya, isaga oo ku dhiirogeliyay tallaabada ay qaadeen.
“Waxaan u rajeynayaa Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil in uu ka yeelo hoggaan mideeya bulshada Waqooyi Bari, kana shaqeeya nabadda, horumarka iyo dowladnimada. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay garab istaagto dowlad-goboleedka si wadajir loogu xaqiijiyo dhammaystirka Federaaleynta” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Waxaa kale oo uu ku adkeeyay bulshada iyo hogaanka cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari in ay adkeeyaan midnimada, wadajirka iyo iskaashiga, si looga gudbo caqabadaha jira loona gaaro horumar waara.