Sanca (Caasimada Online) – Raysal Wasaarahii dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen iyo wasiiro badan oo ka tirsanaa golahiisa wasiirrada ayaa ku dhintay weerar ay Israa’iil ka geysatay magaalada Sanca Khamiistii.
Warbaahinta Israa’iil ayaa shalay soo werisay, iyada oo aan soo xigan wax ilo ah, in qiimeynta milatariga Israa’iil ay muujinayso in “dhammaan golaha wasiirrada Xuutiyiinta” ay ku dhinteen weerarkii lagu qaaday Sanca.
Maanta, kooxda Xuutiyiinta ayaa xaqiijisay geerida Axmed Ghaalib Rahwi iyo wasiiro kale oo badan.
Israel ayaa dhowr jeer beegsatay saldhigyada Xuutiyiinta bilihii la soo dhaafay.
Isha: BBC