27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Jaamacadda Carabta oo qaaday tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya ku wajahan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Ururka Jaamacadda Carabta ayaa tirtiray 75% daynta lagu lahaa Soomaaliya, arrin uu safiirka Soomaaliya ee Masar iyo wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ku tilmaamay “guul taariikhi ah.”

Safiir Awaare ayaa hadalkan ka jeediyey kulankii 164-aad ee joogtada ah ee Wakiillada Ururka oo Talaadadii ka dhacay magaalada Qaahira.

Wuxuu uga mahadceliyey Jaamacadda Carabta iyo dowladaha xubnaha ka ah taageerada ay siiyeen codsiga Muqdisho ee ahaa in laga cafiyo deymo ku urursanaa 38 sano oo ku baxayey khidmadaha xubinnimada sanadlaha ah ee aan la bixin.

Jaamacaddu waxay ansixisay in 75% laga dhaafo deyntaasi.

Inkasta oo aan si cad loo shaacin cadadka guud ee Soomaaliya ku lahayd Jaamacadda Carabta, haddana Awaare ayaa xusay in cafiskaasi uu ka dhashay “dadaallo diblomaasiyadeed oo joogto ah” oo ay safaaradda Soomaaliya ee Qaahira wadaysay, taasoo waafaqsan tilmaamaha hoggaanka qaranka Soomaaliya.

Deyntan ayaa la sheegay inay ku soo ururtay Soomaaliya muddo ku dhow afartan sano, xilli dalka uu wajahayay dagaallo sokeeye iyo burbur dhaqaale oo joogto ah.

Tan iyo 1991-kii, markii dowladdii dhexe ay dhacday, Soomaaliya ma aysan awoodin inay bixiso waajibaadkeeda xubinnimo ee Jaamacadda Carabta, taasoo deynta sii kordhisay sannadba sannadka ka dambeeya.

Sidoo kale, waxaa jiray isku dayo hore oo lagu yareeyo deyntan, balse tani waa markii ugu horreysay ee Jaamacadda Carabta ay qaaddo tallaabo ballaaran oo 75% ka cafis ah, taasoo muujinaysa taageerada ay dowladaha Carabtu u hayaan dib-u-soo kabashada Soomaaliya.

Go’aankan cafiska ah ayaa loo arkaa inuu qayb ka yahay dadaallada Soomaaliya ay ku dhimayso culayska daynta caalamiga ah, gaar ahaan iyadoo ku jirta barnaamijka Deyn Cafiska Adduunka (HIPC Initiative) ee ay hoggaamiyaan IMF iyo Bankiga Adduunka.

Khabiirro dhaqaale ayaa sheegaya in tallaabadan ay Soomaaliya u sahli karto inay hesho maalgelin iyo taageero cusub oo caalami ah, maadaama wadamada daynta leh ay arkaan in dalka uu si dhab ah u wado dadaal lagu hagaajinayo dhaqaalaha.

Waxaa sidoo kale la filayaa in lacagaha badbaada laga helo bixinta dayntan lagu maalgaliyo adeegyada bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaas oo muddo dheer hoos u dhacay.

Soomaaliya waxay ku biirtay Jaamacadda Carabta sanadkii 1974, 14 sano kaddib markii ay qaadatay madaxbannaanideeda, waxaana maanta tallaabadan lagu tilmaamay mid muujinaysa in dalka dib loogu soo celinayo kaalintiisii muhiimka ahayd ee ururrada gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News