25.9 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Sawirro: Xasan Sheekh oo maanta warqadaha aqoonsi ka guddoomay laba Danjire

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo laba safiir oo loo soo magacaabay Soomaaliya.

Labada safiirka ayaa kala ah: Safiirka cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro iyo Safiirka cusub ee Boqortooyada Nederland ee Soomaaliya Danjire Henk Jan Bakker.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa safiirrada ugu hambalyeeyey in ay ka mid noqdeen diblumaaaiyiinta ka howl-gala Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay wada-shaqeyn iyo soo dhawayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Danjireyaashan ayaa dhankooda uga mahad-celiyey Madaxweynaha qaabilaadda uu u sameeyey, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan xoojinta iskaashiga nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah dhinacyada sida weyn u taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhanka ammaanka, isagoo dhaqaale badan ku bixiya howl-galka ATMIS, kaas oo uu horay u siiyay ku dhawaad 2.87 bilyan oo dollar tan iyo 2007.

Si kastaba, madaxweynaha ayaa muddooyinkii dambe qaabilayay safiirada cusub ee dalalka caalamka u soo magacaaban Soomaaliya oo haatan soo kabsaneysa, isla markaana xiriir diblumaasiyadeed oo qota dheer la’leh dalal badan oo caalamka.

- Advertisement -

Read more

Local News