Belgrade (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggeeda Serbia ayaa qorsheynaya inay si wadajir ah u sameeyaan dhoolatus ciidan, oo kor loogu qaadayo xiriirka labada dal.
Sameynta dhoolatuskan ayaa la iskula meel dhigay kulan xasaasi ah oo dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka Difaaca Seerbiya, Bratislav Gašić, kaas oo ka dhacay magaalada Belgrade.
Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta iskaashiga military ee labada dal, iyadoo wada-hadallada labada wasiir lagu lafa-guray fursadaha iskaashiga difaaca.
Labada masuul ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay labada waddan kobcinta iskaashiga militariga. Intii uu socday kulanka ayaa Wasiirka Soomaaliya waxa uu ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay amniga iyo xasiloonida gobolka.
Fiqi ayaa carabka ku dhuftay dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka argigixisada iyo horumarinta nabadda xuduudaheeda, iyadoo labada wasiir ay xoojiyeen wadaaga khibradaha wax ka qabashada caqabadaha guud ee la xiriira arrimaha ammaanka.
Wasiir Gašić ayaa dhankiisa caddeeyay sida Serbia ay diyaar ugu tahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada lagu xoojinayo awoodda difaaca. Wuxuu tilmaamay in iskaashiga ku saabsan tababarada ciidamada, xog-wadaagga, iyo taageerada saadka ay door muhiim ah ka qaadan doonaan kobcinta xiriirka labada dal.
Sidoo kale, labada wasiir ayaa dul istaagay fursadaha ku saabsan in la qabto dhoolatusyo ciidan oo wadajir ah iyo in la hirgeliyo cilmi-baaris lagu kobcinayo tignoolajiyada difaaca, taas oo dhinacyadu isla meel dhigeen.
Wasiirrada ayaa gaba-gabada kulankooda ku adkeeyay ka go’naashaha sii wadista wada-hadallada furan iyo raadinta fursado kale oo iskaashiga labada wadsan lagu ballaadhinayo.

