26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Austria oo billowday tarxiilka muwaadiniinta Soomaalida

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Austria ayaa shaacisay in dalka dib loogu soo celiyay labo nin oo Soomaali ah, kuwaas oo hore loogu helay dambiyo gudaha Austria.

Talaabadan oo la fuliyay Talaadadii, 2-dii Sebtember 2025, ayaa noqonaysa markii ugu horreysay muddo labaatan sano ah oo Austria ay muwaadiniin Soomaali ah dib ugu soo celiso dalkooda.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Austria ayaa lagu sheegay in labada nin laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, kadib markii ay dhammaysteen xukunno la xiriiray dambiyo ku saabsan maandooriyaha.

Wasaaraddu waxay arrintan ku tilmaantay qayb ka mid ah siyaasadaha adag ee Austria ku wajahayso magangelyo-doonka, iyadoo lagu sifeeyay tallaabo waafaqsan nidaamka sharciga iyo caddaaladda.

Bayaanka rasmiga ah ee dowladda laguma soo bandhigin magacyada iyo sawirrada raggan la soo celiyay, taas oo muujinaysa in xogtooda si buuxda loo ilaaliyay.

Austria ayaa kamid noqotay waddamada Yurub ee ugu horreeya ku dhaqanka dib u celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale horey uga mid ahayd dalalka firfircoon ee ka qayb qaata barnaamijyada noocaas ah.

Soomaalida ayaa hadda noqday bulshada saddexaad ee ugu badan codsiyada magangelyo ka gudbisa Austria, iyadoo 648 codsi la diiwaangeliyay bilihii hore ee sanadkan, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday The European Conservative.

Sidoo kale, tirada oggolaanshaha codsiyada Soomaalida ayaa kor u dhaaftay 44%, halka 463 qof oo Soomaali ah loo aqbalay magangelyo gudaha Austria sannadka 2025.

Si kastaba, dowladda Austria ayaa ku adkaysanaysa inay sii wadi doonto siyaasadda adag ee ka dhanka ah dadka jebiya shuruucda, iyadoo dhowaan sidoo kale dib u celisay muwaadin u dhashay dalka Suuriya.

- Advertisement -

Read more

Local News