Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, Xildhibaan Cabdillaahi Bidhaan, oo ka qeyb-galay furitaanka diiwaan-gelinta doorashada qof iyo cod ee magaalada Laascaanood ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.
Wasiir Bidhaan ayaa Shariif ku tilmaamay shaqsi dhaar iyo goodin meel la soo fadhiya, taas oo uu ku sheegay in aysan ka tarjumeyn hoggaamin dhab ah. “Hoggaamintu ma aha in dowlad kasta oo timaadda aad ugu dhaarato ‘Thuma Wallaahay’,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas kusii daray: “Hoggaamintu waa gudashada waajibaadka qaran ee loo dhaartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin xoreynta iyo difaaca dalka, dhammeystirka federaaleynta, qabyo-tirka dastuurka iyo dib-u-celinta awoodda iyo xuquuqda codbixinta muwaadiniinta.”
Hadalkan ayaa qayb ka ah weerarada joogtada ah ee qaar ka mid ah wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ay ku qaadayaan siyaasiyiinta mucaaradka, ee ay is-hayaan hoggaanka sare ee dalka, kuwaas oo khilaafkoodu uu muddooyinkii dambe sii xoogeystay.
Hoos ka aqriso qoraalka wasiirka:
Waxaan maanta safka la galay Madaxweynaha Dowladda Waqoyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, Gudoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Aqalka Sare Cabdullahi Cali Xirsi (Timacade) iyo qaar ka mida Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS kumetala Dowladda Waqooyi Bari, xubnaha Goleyaasha kala duwan ee Waqooyi Bari iyo shacabka Laascaanood si aan u qaato kaarka cod-bixinta ee doorashada Qaranka ee Goleyaasha Deegaanka.
Shacabka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari waloow ay ka soo doogeen xilliyo adag, hadana ma aha kuwa ilaawa qofkii is-barbar taagay, waana dad mar walba lagu yaqaan abaal-celinta.
Hoggaamintu ma aha in aad dowladdii kasta ee timaadda aad ugu dhaarato “Thuma Wallaahay”, ee waa gudashada waajibaadka Qaran ee loo dhaartay oo ay ka mid yihiin; Xoreynta iyo Difaaca dalka, Dhammeystirka Federaaleynta dalka, Qabyo-Tirka Dastuurka iyo dib-ugu celinta awoodda iyo xuquuqdo doorasho muwaadiniinta.
Shacabka midnimada jecel ee Waqooyi Bari maanta waxa ay gudayaan abaalkii ay gashadeen Madaxda Qaranka ee haatan dalka hoggaamisa, Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre.
Waxa ay garowsan yihiin in ay hiil iyo hooba la garab-istaageen sidii ay u xaqiijin lahaayeen himiladooda ay waqtiga dheer halganka ugu jireen ee ah in ay yeeshaan Maamul ay u madax-bannaan yihiin, jeer kuwa Kalena ay maja-xaabin iyo xagal-daacin ula bareereen.
Tani waxa ay tusaale cad u tahay hoggaaminta toolmoon iyo ka dhabbeynta wacadka aad gasho, ma aha kelmedo qurux badan oo ku uumi-baxa cadaadiska.

