Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta u fariisatay dhageysiga kiis xasaasi ah oo ka dhan ah shabakad ka kooban saddex nin oo halis ah oo dhac Digital ah u gaystay hooyo Soomaaliyeed oo ku ganacsata Bakaaraha.
Eedeysanayaasha oo kala ah Faysal Shire Dhaqane, Cabdifitaax Cabdulqaadir Cabdulle iyo Xasan Axmed Aadan ayaa loo haystaa in App-ka Waafi ee Shirkadda Hormuud ay ku dhaceen lacag ku dhow 11 kun oo dollar oo ay lahayd Hooyo Raaxo Cabdulle Maxamed oo alaabta maacuunta ku iibisa gudaha suuqa wayn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Raggan oo uu hoggaan u yahay Faysal Shire oo ah askari ka tirsan ciidanka Xoogga dalka ayaa inta badan beegsada dadka waayeelada ah, oo ay marin habaabiyaan, iyaga oo u sheegaya inay yihiin maamulka Bankiga ayna wax qaldameen, sidaasna ku dhaca lacagaha.
Maamo Raaxo oo goobjoog ahayd Maxkamadda ayaa ka sheekeysay qaabka loo dhacay, waxayna tilmaamtay in ragga dhacay ay isaga dhigeen maamulka Salaam Somali Bank, kadibna ay siiyeen tilmaamo ay raacday, sidaasna ay akoonkeeda ugala baxeen lacagta.
“Waxay yiraahdeen waxaa nahay maamulka Salaam Somali Bank waxaa kaa qaldamay akoonkaaga lacag ka baxday marka lacagtii saas ayay ku baxsadeen. Waxay ku baxsadeen lacagteyda lambaro ayay taabo i dheheen kadibna lambaradaas ayay lacagta kula baxeen, waxaaa hadda iga maqan $10,985 dollar” ayay tiri Maamo Raaxo Cabdulle Maxamed.
Intaas kadib raggan ayaa lacagta dollarka ah qayb kamid ah u beddashay Shillin Soomaali, iyaga oo ka sariftay Sugaale oo ah sarifle fadhiya isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.
Sarifle Sugaale oo isna kasoo muuqday Maxkamadda ayaa sheegay inuu u yimid Faysal, uuna ka sariftay lacag dhan 5,600 oo dollar, uuna ugu beddalay lacag dhan 162 milyan oo Shillin Somali ah oo uu ugu shubay jawaano kadibna uu ku qaatay mooto balse daqiiqado kadib Sugaale ayaa sheegay in lacagta laga xayiray, illaa haddana ay ka xayiran tahay.
“Lacagta waxaa iga sarifay Faysal, waxaana lagu shubay saddex jawaan, kadibna mooto ayay ku qaateen aniga marka iga tageen lacagta waa layga xayiray illaa haddana waa iga xayiran tahay” ayuu yiri sarifle Sugaale oo ku ganacsada isgoyska Jubba.
Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa sidoo kale soo bandhigtay caddeymo ay hayso, waxaana ku jiray muuqaallo ay duutay Camiro CCTV iyo codad laga duubay eedeysanaha koowaad Faysal oo xilligaas la hadlayay hooyada la dhacay, waxaana sidoo kale lasoo bandhigay taleefanno kale oo lacagaha ay ku shubteen shabakadda hortaagan Maxkamadda ciidanka.
Dhankooda qareennada difaacaya ayaa dood ka keenay kiiska, waxayna sheegeen in illaa hadda aan eedeysanayaasha lagu hayn caddeyn ku filan, ayna dalbanayaan in lasii daayo.
Ugu dambeyn fadhigga Maxkamadda waxaa soo xiray guddoomiye Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ku dhawaaqay in go’aanka ay dib kasoo sheegi doonto Maxkamadddu.

