28.6 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Shalaayga go’aan ay Itoobiya 30 sano ka hor qaadatay oo mar kale dagaal ridi kara

Bookmark
Bookmarked

Share

Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Eritrea ayaa si adag uga jawaabtay hadal dhawaan kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, kaas oo ku saabsan rajada Itoobiya ee ku aaddan inay weli heli karto marin Badda Cas.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea ayaa ku dhaliilay Dowladda Itoobiya inay ku howlan tahay hanjabaado iyo ficillo abuuri kara xiisado cusub oo gobolka ka dhasha.

Wasiirka oo qoraal ku baahiyay bartiisa rasmiga ah ee X (ex-Twitter), ayaa sheegay in hoggaanka xisbiga talada haya ee Itoobiya ay wadaan faafinta macluumaad aan sax ahayn iyo taariikh marin habaabin.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa maalmo ka hor ku andacooday in dalkiisu qalad galay markii uu oggolaaday in dekadda Casab loo daayo Eritrea, taas oo hadda dalkaasi si buuxda ugu tiirsan yahay.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea oo arrintaasi ka jawaabay ayaa hoosta ka xarriiqay in dekadda Casab ay tahay dhaxal u gaar ah Eritrea oo aan cid kale xuquuq ku lahayn.

Muddo soddon sano ah tan iyo markii Eritrea xorriyaddeeda qaadatay, Itoobiya waxay noqotay dal aan bad lahayn, halka badeecadaha ganacsigana ay ka soo dagaan dekadaha ku yaalla Jabuuti.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii Major General Teshome Gemechu, oo ah Agaasimaha Guud ee Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga Milatari ee Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya, uu si cad u sheegay in Casab ay weli ku jirto marinka Badda Cas ee Itoobiya.

“Dowlad kala guur ah oo aan sharciyad u haysan inay go’aanno masiiri ah gaarto ayaa bixisay,” ayuu yiri Jeneraalkan oo kamid ah saraakiisha sare ee Itoobiya.

Waxa uu intaas ku daray: “Dalal badan ayaa nagu yiraahda waa jilicsan tihiin, maxaa sabab u ah inaan ilaa hadda loo soo celin (Casab)? Ma ahayn inay idinka maqnaato.”

Jeneraalkan ayaa sheegay in Badda Cas ay hadda noqotay qodob daruuri ah oo u baahan in la soo celiyo, isla markaana lagu bixiyo qiime kasta oo ay ku kacayso.

Arrintan ayaa mar kale abuuri karta dagaal halis ah oo ka dhex qarxa Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo xiisad siyaasadeed oo xooggan ay haatan ka dhex aloosan tahay labada dal, taas oo walaac weyn laga muujinayo.

- Advertisement -

Read more

Local News