Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) General Dagvin R.M. Anderson, oo wareysi siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay muhiimadda safarkiisa Soomaaliya.
General Dagvin ayaa sheegay in sababta uu booqashadiisa ugu bilaabay Soomaaliya ay tahay goob istiraatiiji ah, oo ay ka jiraan fursado waaweyn, kuna taalla isgoyska adduunka.
“Waxaan booqashadeyda ku bilaabay Soomaaliya oo muhiimad weyn u leh gobolka Geeska Afrika, Soomaaliya waa meel istiraatiiji ah oo ku taalla isgoyska adduunka, halkaan waxaa ku jira fursado waa weyn,” ayuu yiri Taliyaha cusub ee ciidamada Mareykanka ee Afrika.
Waxa uu intaas kusii daray “Inkastoo caqabado argagixiso ay jiraan, waxaan Soomaaliya u imid in aan qiimeeyo xaaladda gobolka, maadaama aan ahay taliyaha cusub, Afrika kuma cusbi anigu, waxaan horay u soo noqday taliyaha cutubka gaarka ah ee howl-gallada Afrika.”
Taliyaha Mareykanka oo shalay la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si cad u muujiyay sida Washington uga go’an tahay inay taageerto Soomaaliya si loo adkeeyo awoodda ciidamada qaranka.
Mareykanka ayaa qorsheynaya in taageeradiisa cusub ay ku jiraan hawl-gallo cirka ah oo lagu beegsanayo bartilmaameedyada kooxaha argagixisada, is-weydaarsi sirdoon, tababaro ciidan iyo caawimaad kale oo lagu dhisayo awoodda difaaca ee Soomaaliya.
Booqashada Jeneral Anderson ee Muqdisho ayaa qeyb ka ah safar uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Afrika ee ay ciidamada Mareykanka ka joogaan, taas oo astaan u ah sida Mareykanku u daneynayo xasillinta gobolka iyo garab istaagga Soomaaliya.

