Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dalka ku soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay dalalka Shiinaha iyo Serbia.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu dalka Shiinaha uga qeyb galay Shirka 7-aad ee China-Arab States Expo, halkaas oo uu khudbad ka jeediyey, isla markaana kulamo la qaatay qaar kamid ah madaxda dalkaas.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Shiinaha kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo in Shiinuhu maalgashi ku sameeyo fursadaha dhaqaale ee ka jira Soomaaliya.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Serbia, halkaas oo si taariikhi ah loogu soo dhaweeyey caasimadda Belgrade.
Wuxuuna qasriga madaxtooyada Serbia kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Mudane Duro Macut, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Intii uu wafdiga Ra’iisul Wasaaruhu ku sugnaa Serbia, Soomaaliya waxay heshiis caafimaad la gashay dalkaas. Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah hagaajinta adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya oo weli wajahaysa caqabado badan.
Si kastaba, safarka Ra’iisul Wasaaraha oo qaatay 12 maalmood ayaa noqday kii ugu dheeraa ee uu sameeyo tan iyo markii uu xilka qabtay, maadaama safarradii hore ee dibadeed badankood ay ku koobnaayeen wax ka yar toddobaad.

