28.5 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

War kasoo kordhay ciidanka ay Masar keeneyso Somalia

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu dambeysay ee ay ciidamadeeda ku keeneyso gudaha dalka Soomaaliya, si ay ugu biiraan howlgalka cusub ee Ururka Midowga Afrika ee magaciiisa loo soo gaabiyo AUSSOM.

Masar ayaa todobaadkii hore soo dirsatay guddi qiimeyn ah, kaas oo u kuurgalayay halka la dejin lahaa ciidamadooda, waxaana haatan ay soo gabagabeeyeen qiimeyntooda.

Socdaalka guddiga qiimaynta ee Masar ayaa u dhexeeyay 30-kii Agoosto ilaa 5-ta Sebtembar 2025, waxaana uu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda lagu horumarinayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Midowga Afrika iyo sidoo kale dalalka xubnaha ka ah.

Intaasi kadib guddiga ka socday Masar ayaa kulan gaar ah la yeeshay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxahowwlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyaga oo ka wada-hadlay imaanshaha ciidamada cusub ee Masar.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadlay sidii loo diyaarin lahaa ku biirista ciidanka Masar ee Hawlgalka AUSSOM, taasoo qayb ka ah dadaallada Midowga Afrika ee lagu xoojinayo taageerada la siiyo Soomaaliya xilligan kala guurka ah.

Danjire El Hadji Ibrahima oo madasha ka hadkay ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar iyo kooxda qiimaynta dadaallada ay wadaan, isaga oo ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay soo daabulida guutada cusub ee Masar ee ka qayb qaadanaya howlaha xaslinta ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii in kusoo biirista ciidanka Masar ay sare u qaadi doonto awoodda AUSSOM ee taageeridda dadaallada xasilinta, nabadeynta iyo amniga Soomaaliya.

Dhankiisa sarkaalka hoggaaminayay kooxda ka socotay Masar oo lagu magacaabo Sareeye Gaas Islam Aly Ibrahim Radwan ayaa isaguna meesha ka shaqeyn in dowladdiisa ay ka go’an tahay in ay door muuqda ka qaadato xoojinta dadaallada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaaneyso, iyada oo dhowaan safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho, Suleymaan Dedefo uu ka digay ciidanka Masar ee imaanaya Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan keeneen nabad, balse ay horseedi doonaan dhibaato horleh.

Suleymaan Dedefo ayaa sidoo kale tilmaamay in Itoobiya aysan wax cabsi ah ka qabin haddii la keeno ciidanka Masar, wuxuuna diray farriin cad oo uu ku sheegay inay awood u leeyihiin inay is difaacaan goor kasta.

“Annagu ma nihin kuwa cabsi qaba ama dareemaya khatar, waana awoodnaa inaan is difaacno,” ayuu ku yiri wareysi uu dhawaan Danjiruhu siiyay Telefishinka Universal.

Si kastaba, Masar ayaa si rasmi ah usoo geba-gabeysay tababarkii ugu horreeyay ee ciidanka usoo direyso gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku biiraya howl-galka cusub ee Midowga Afrika (AUSSOM), waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay soo gaaraan dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News