28.1 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Dagaalka ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo xiisad culus ka buuray KENYA

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale ka hadashay arrimo la xiriira dagaalkii ka dhacay Beledxaawo ee u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland, kaas oo haatan xiisad cusub ka dhex abuuray gudaha dalkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenay Kipchumba Murkomen oo ka hadlayay madal amni, xilli uu ku sugnaa magaalada Kakamega  ayaa sheegay in dagaalladi dhex maray ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul-goboleedka Jubbaland ee ka dhacay xaduuda aanay halis gelin amnigeeda, isla markaana xaaladda ay tahay mid wanaagsan.

Kipchumba Murkomen ayaa tilmaamay in shacabka Mandera ay ku sugan yihiin xaalad amni ah oo deggan, isla markaanay aysan halis ugu jirin dagaalka xuduuda ee u dhexeeya ciidanka Dowladda Soomaaliya, kuwa Jubbaland iyo xiitaa weerarada kooxda Shabaab.

Wasiirka ayaa si weyn u dhaleeciyay mucaaradka dalkiisa, oo uu tilmaamay in siyaasad ay ka dhex raadinayaan amniga, gaar ahaan xaaladda Mandera, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay banaanka u soo baxayaan iyaga oo si aan xadidneyn uga hadlaya arrimo amni. Waa maxay nooca siyaasadda ay ka raadinayaan arrimaha noocaas ah? Dhab ahaantii, nasiib-darro ayey ahayd in dad noocaas ah ay waligood ka mid noqdeen Golaha Amniga Qaran,” ayuu yiri Murkomen.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan qaylo dhaan ay kasoo yeertay shacabka ku dhaqan magaalada Mandera, kuwaas oo dhigay dibadax ay uga cabanayaan ciidamada Jubbaland ee looga adkaaday dagaalkii Beledxaawo, kadin u firxaday magaaladaasi.

Dadweynaha dibad-baxa dhigay ayaa dalbaday in si deg-deg ah ciidamada Jubbaland looga saaro gudaha deegaanka, iyaga oo ku eedeeyay inay dhibaato ka gaysteen halkaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan Mandheera ayaa wajahayay xaalad adag, kadib markii lagu eedeeyay dilal ka dhacay gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, Kenya oo saaxiib dhaw la’ah Jubbaland ayaa haddane ka gaabsanaysa in si toos ah ugu lug yeelato dagaalka Kismaayo iyo Muqdisho, iyadoo toddobaadkii u dambeeyay qaaday dadaallo ay ku dooneyso in hoos loo dhigo xiisadda labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News