28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xasan Sheekh oo ay haysato laba daran mid dooro

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan Addis Ababa ayaa waxaa haysato laba daran mid dooro, maadaama beri ay dhaceyso munaasabadda biyo xireenka oo ay si weyn isugu hayaan waddamada Itoobiya iyo Masar oo labaduba haatan saaxib la ah Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qorshuhu yahay inuu ka qayb-galo munaasabadda, maadaama uu hadda Addis Ababa u joogo shirka cimilada ee Afrika, iyada oo su’aallo badan oo walaacooda leh laga keenay arintaasi.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in Masar ay u aragto ka qayb-galka Soomaaliya ee biyo xireenka inay ku abaal dhacday, maadaama ay si wayn u garab istaagtay xilligii ay Itoobiya soo damaacisay badda.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Dowladda Federaalka ay hortaallo doorasho adag, lagana rabo inay ciyaarto istiraatiijiyad diblomaasiyadeed oo ku aadan labada dal.

“Soomaaliya waxaa horyaalla kala doorashooyin adag, diblomaasiyaduna waa istiraatiijiyada ay dawladi awooddeeda iskugu aaddiso iyadoo ku xisaabtamaysa waqtiga iyo masaaxada ay haysato si ay ugu baxsato imtixaanka lagu tijaabanayo tabarteeda” ayuu yiri Xildhibaanka.

Waxaa kale oo eedeyn u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu tilmaamay inuu kaligiis isku soo koobay siyaasadda arrimaha dibada, taasina ay leedahay khatarteeda.

“Su’aashu waxay tahay qof kaligii ma isku keeni karaa in uu qeexo hadafkii siyaasadda arrimaha dibadda, dejinta istiraatiijiyadii iyo qorshe hawleedkii, iyo xirfadii, iyo kartidii lagu fulin lahaa? !!. ayuu mar kale yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

Maalin aan dheerayn wafdiyo dalalka Suudaan iyo Imaaraad ka socda ayaa Madaxwehnuhu laba maalin oo isku xigta qaabilay. Maantana wuxuu bartanka ka taagan yahay loollanka Masar iyo Itoobiya.

Ka  qaybgalka xaflada furitaanka biya xireenka Itoobiya ee Madaxweynaha beri u qorshaysan, Masar waxay u aragtaa halis amni qaran, waxayna u haystaa in ay Soomaaliya ka abaaldhacday, maadaama ay si wayn u garab istaagtay xilligii ay Itoobiya soo damaacisay badda Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa horyaalla kala doorashooyin adag, diblomaasiyaduna waa istiraatiijiyada ay dawladi awooddeeda iskugu aaddiso iyadoo ku xisaabtamaysa waqtiga iyo masaaxada ay haysato si ay ugu baxsato imtixaanka lagu tijaabanayo tabarteeda.

Taasi macnaheeda maaha in aad is dhiibto, mana ahan in har qabow harsanayso. Waxaa lagama maarmaan ah in aad la timaado xeelad iyo istiraatijiyad xirfad, aqoon iyo waaya aragnimo ku dhisan, si aad dalkaada kaga badbaadiso cadaadiska iyo loollanka dowladaha danahoodu is diidayaan.

Ayaandaridase waxay tahay in siyaasadii arrimaha debeda iyo jaangoynta danaha amniga qaranka uu Madaxweynuhu kaligii jeebka ku sito. Waxaana taas caddayn u ah in wasaaradaha, talisyada ciidanka, hay’adaha sirdoonka iyo difaaca, guddiyada labada aqal ee Baarlamaanka aysan wax talo ah ku lahayn siyaasadda arrimaha dibadda, mana jiro waaya-arag, khubarro iyo aqoonyahan wax laga waydiiyo.

Wafdi kasta ee dalka yimaada,heerkuu doono ha ahaadee, Madaxweynaha ayaa qaabila, waxaana caado u ah in Markii uu kulanka gebogebo yahay uu wasiirrada, iyo taliyayaasha sirdoonka dibadda iskaga saaro.

Waxaa dhaca in agaasime sirdoon iyo wasiir arrimo dibadeed dibada looga saaro kulamo uu Madaxweynaha la qaadanayey rag dhigooda ah, ama ka daraja hooseeya. Tiro ma laha safiirrada laga reebo kulamo uu Madaxweynuhu ku yeelanayo dalalka ay danjirayaasha ka yihiin.

Su’aashu waxay tahay qof kaligii ma isku keeni karaa in uu qeexo hadafkii siyaasadda arrimaha dibadda, dejinta istiraatiijiyadii iyo qorshe hawleedkii, iyo xirfadii, iyo kartidii lagu fulin lahaa?!!.

- Advertisement -

Read more

Local News