Bu’aale (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo is xig-xigay oo xalay ka dhacay gobollada Jubbada Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Baay, kuwaas oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Duqeynta koowaad oo lagu bartilmaameedsaday ajaaniib ka barbar dagaalameysay kooxda ayaa ka dhacday deegaanka Sariiraha oo hoostaga degmada Bu’aale, waxaana halkaas lagu laayay saraakiil ajaaniib ah oo tababar siin jiray maleeshiyaadka A-Shabaab, kuwaas oo ka kala yimid dhowr dal.
Sida aan xogta ku helnay saraakiisha ajaaniibta ee la laayay ayaa kala ahaa Abuu Fahad Suudaani, Abuu Saleebaan oo Pakistan u dhashay, Abuu Jacfar oo Morocco u dhashay iyo Abuu Maalik oo isna aan la sheegin dalka uu kasoo jeedo.
Sidoo kale duqenynta labaad ayaa ka dhacday magaalada Kunyabarrow waxaana lagu burburiyay qalab casri ah oo yiilay goobta la beegsaday, kaas oo ay Al-Shabaab ka heleen Xuutiyiinta Yemen, sida laga soo xigtay ilo sirdoon oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Weerar kale oo dhanka cirka ah ayaa isla xalay ka dhacay degmada Sablaale, halkaas oo lagu beegsaday guri ay ku shirayeen horjoogayaal Soomaali ah oo ka tirsan kooxda, waxaana jira khasaare culus oo gaaray, inkastoo aan la ogeyn inta uu la’egyahay.
Duqeynta saddexaad waxaa lasoo wariyay inay ka dhacay Buula-Fulaay oo ka tirsan gobolka Baay, halkaas oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka argagixisada, balse lama oga iyana khasaaraha ka dhashay, illaa iyo haddana xog rasmi ah lagama helin weerarka.
Ujeedka duqeymahan ayaa ah kuwa la doonayo in lagu cuuryaamiyo awoodda Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay sidoo kale ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dhanka kale, Dawladda Federaalka ayaa la filayaa inay faah-faahin dheeraad ah ka bixiso weerarradan, ayna shaaciso baaxadda khasaaraha lagu gaarsiiyay argagixisada.
Inta badan waxaa duqeymahan fuliya saaxibada Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Mareykanka, waxaana lagu beegsadaa xarumaha iyo saldhigyada Khawaarijta.

