28.3 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Wasiir Fiqi oo taageero wayn u muujiyay Ilhaan Cumar

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa taageero iyo garab istaag u muujiyay Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, isla markaana ay haatan si weyn siyaasaddda dalkaas isugu hayaan madaxweyne Donald Trump.

Fiqi ayaa sheegay in Ilhan ay tahay gabar Soomaaliyeed oo magaca dalkeeda gaarsiisay meel wayn, isla markaana ay difaacayaan, haddii lagu beegsanayo isirkeeda.

“Wixii siyaasadda dalka ay xildhibaanka ka tahay ah waa arrin aan inoo oolin, balse Gabadheena haddii isirkeeda lagu beegsanayo garabkeeda ayaan taagannahay, magaceeda iyo magaca halka ay ka soo jeeddo asal ahaan meel weyn ayay gaarsiisay. Soomaalidu waa dad fac weyn, taariikh fog leh, Meesha ay ku nool yihiin ka muuqda, dunidana ka tilmaaman, intaasna waxa jiri kara kuwo dhibsanaya” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan suuragal ahayn in fikirkeeda siyaasadeed darteed loogu eedeeyo dalka ay kasoo jeedo ee Soomaaliya, iyada oo lagu liidayo.

“Xildhibaanad Ilhaan waa tusaale lagu dayan karo, waa gabar kartideeda ku meelmartay, ayada iyo afkaarta ay xambaarsan tahay waxay yeelan karaan kuwa dhibsada, sida kuwa kaleba afkaar kale oo qalafsan u yeelan karaan, laakin taas marna dalka ay ku dhalatay kuma eedaysna, loomana eedayn karo!” ayuu mar kale yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Waxaa kale oo uu wasiirku intaasi sii raaciyay “Soomaaliya waa dal jira, oo inta cid walba ku naaloonayso hiigsanaya, wadadeediina ku jooga, fadhiya golaha ammaanka, ku hawllan taxaddiyaadka haysta sidii looga gudbi lahaa. Soomaaliya ha noolaato”.

Ilhan ayaa dhankeeda shalay si adag ugu jawaabtay madaxweyne dalka Mareykanka oo dhowaan iyada weerar ku qaaday, sidoo kalena u gefay dalka ay kasoo jeedo Soomaaliya.

Ilhan ayaa shaaca ka qaaday inay ku faaneyso muslinimada iyo Soomaalinimada, sidoo kalena ay ku faraxsan tahay in ay qaadato dhalashada dalka Mareykanka.

“Waan ku faanaa in aan Muslim ahay, waan ku faanaa in aan ka dhashay Soomaaliya, waana ku faanaa in aan ahay Ameerikaan, cidna wax igama baddeli karto” ayay tiri Ilhaan.

Madaxweyne Trump ayaa Khamiistii lasoo dhaafay si xun u weeraray xildhibaan Ilhan Omar iyo Soomaaliya, maalin kadib markii Aqalka Hoose uu fashiliyey qaraar lagu doonayey in lagu canaanto xildhibaanadda Minnesota isla markaana laga saaro guddiyada ay ku jirto.

“Aniga ahaan, waa qof aad u liidata. Waxaan aaminsanahay in ay mudan tahay in xilka laga qaado. Waa qof aad u liidata,” ayuu madaxweynuhu ku yiri weriyeyaasha isagoo saaran diyaaradda Air Force One maalintii Khamiista.

Sidoo kale, Trump oo aflagaadeynaya Soomaaliya ayaa yiri “Haddaba, sidee xaaladoodu tahay? Sidee tahay dawladdoodu? Madaxweyne ma leeyihiin? Gole ma leeyihiin? Wax kale ma leeyihiin? Boolis ma leeyihiin? Waan jeclahay dadkan.” “Waxay ka yimaadeen meel aan waxba oollin, waxba, maya, waxba, ka dibna waxay noo sheegayaan sida loo maamulo dalkeenna.” “Haddii la cambaareeyo, taasi waa wax weyn, haddii xilka laga qaadana, xitaa way kasii fiican tahay,” ayuu raaciyay.

Hadallada Trump ee ku saabsan Ilhaan, oo ku dhalatay Soomaaliya ka hor inta aysan qoyskeedu imaan Mareykanka sannadihii 1990-meeyadii, ayaa yimid kadib markii Aqalka Wakiillada uu u codeeyay in meesha laga saaro qaraar ay soo gudbisay Xildhibaan Nancy Mace (R-S.C.), kaasoo lagu doonayay in lagu cambaareeyo xildhibaannada Minnesota.

- Advertisement -

Read more

Local News