29 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Maxay ka wada-hadleen Cirro iyo wafdiga Mareykanka?

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay wafdi culus oo ka socda dowladda Mareykanka, gaar ahaan taliska AFRICOM oo gaaray magaalada Hargeysa.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo muhiim ah, sida xoojinta xiriirka Hargeysa iyo Washington, nabadgelyada Geeska Afrika, iskaashiga iyo adkaynta wada shaqaynta u dhexeysa labada dhinac.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka hadlay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee ay Somaliland u leedahay mandaqadda iyo doorka ay ka qaadato ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Somaliland tahay saaxiib la isku hallayn karo iyo dawlad mas’uul ah oo muddo ka badan 30 sano si joogto ah ugu shaqaynaysay arrimaha amniga, dimuqraadiyadda, horumarka bulshada iyo nabad ku wada noolaanshaha shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika.

Sidoo kale, madaxweynaha Somaliland ayaa uga mahadceliyay goleyaasha sharci dajinta Mareykanka taageerada qadiyadda Somaliland iyo isbeddelka ku yimid siyaasadda Arrimaha Dibedda Mareykanka, gaar ahaan arrimaha khuseeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Dhankooda saraakiisha ka socotay Mareykanka ee tegay Hargeysa ayaa boggaadiyay amniga, xasiloonida iyo kaalinta ay Somaliland ka qaadato sugidda amniga iyo nabadgelyada xaga dhulka iyo xaga badeedba, iyaga oo ballan qaaday in ay sii dardar gelin doonaan wada shaqaynta labada dhinac ee xagga amniga, tababarrada iyo taageerada farsamo.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeed dhameystiran oo Madaxtooyada Somaliland kasoo saartay kulanka labada dhinac:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta kulan muhiim ah oo istiraatiiji ah la yeeshay Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee arrimaha amniga Bariga Afrika.

Madaxweynuhu waxa uu Saraakiisha uga mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxana uu kala hadlay arrimo muhiim ah oo la xidhiidha xoojinta nabadgelyada Gobolka Geeska Afrika, iskaashiga iyo adkaynta wada shaqaynta u dhaxaysa Somaliland iyo Mareykanka.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay mandaqadda iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland tahay saaxiib la isku hallayn karo iyo Dawlad mas’uul ah oo muddo ka badan 30 sano si joogto ah ugu shaqaynaysay arrimaha amniga, dimuqraadiyadda, horumarka bulshada iyo nabad ku wada noolaanshaha shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Goleyaasha Sharci Dejinta ee Mareykanka uga mahad naqay taageerada qadiyadda Somaliland iyo isbeddelka yididiilada leh ee ku yimid siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, gaar ahaan arrimaha khuseeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Iyaguna dhankooda, Saraakiisha Sare ee Ciidamada Mareykanka ee Bariga Afrika waxa ay Somaliland ku bogaadiyeen amniga,  xasiloonida iyo kaalinta ay Somaliland ka qaadato sugidda amniga iyo nabadgelyada xag dhulka iyo xag badeedba, iyaga oo ballan qaaday in ay sii dardar gelin doonaan wada shaqaynta labada dhinac ee xagga amniga, tababarrada iyo taageerada farsamo.

- Advertisement -

Read more

Local News