Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay arbushaadii ay siyaasiyiinta mucaaradka ka sameeyeen saldhiga Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu soo bandhigayay askartii jirdilka kula kacday shacabka xaafadda Siinaay.
Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa tagay saldhiga xilli uu halkaasi warbaahinta kula hadlayay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir, iyagoo isku dayay inay xoog ku galaan saldhiga.
Dowladda ayaa tallaabada mucaaradka ku tilmaamtay mid ay ku rabeen inay xoog kula wareegaan saldhiga booliska ee degmada Warta Nabadda.
“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay cambaareyneysaa falal liddi ku ah amniga caasimadda oo ay ku dhaqaaqeen xubno siyaasiyiin ah oo doonayey inay xoog kula wareegaan saldhigga booliska ee degmada Warta Nabadda ,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in siyaasiyiin ku haminaya qabashada talada dalka ay isku dayaan inay daadiyaan dhiigga shacabka iyo kan ciidamada qalabka sida ee ku hawlan difaaca dalka iyo dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.
“Dowladda Soomaaliya waxay caddeyneysaa in wixii maanta ka dhacay saldhigga degmada Warta Nabadda ay masuuliyaddiisa qaadayaan xubnihii sida bareerka ah ugu xadgudbay jiritaanka dowladnimada, amniga, kala dambeynta iyo shuruucda dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.
Dowladda Soomaaliya ayaa baaqday siyaasiyiinta mucaaradka iyo ciddii kale ee khalkhal gelineysa amniga inay ka waantoobaan falalkaasi guracan, una hoggaansamaan sharciga iyo dastuurka dalka u degsan.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa inay u taagan tahay ilaalinta sharciga, bedqabka shacabka iyo hantidooda, iyo in lala xisaabtamo cid kasta oo wax u dhimeysa amniga qaranka,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay dowladda.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo iyagu saacado ka hor sheegay inay si weyn uga xumaadeen falkii ay ku kaceen booliska ayaan la ogeyn sababta ay halkaasi u tageen. Waxaana markii ay isku dayeen inay xoog ku galaan saldhiga uu isku dhac kooban uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa la socday mucaaradka.
Rasaas iyo hub xooggan ayay dhinacyadu isku rideen, ayadoo la soo sheegayo in rasaasta qaar ay u gudubtay dhanka qolalka xabsiga ee ay ku jiraan maxaabiista ku xiran saldhiga Warta Nabadda.

