Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta falalka foosha xun ee ciidanka dowladda kula kacayaan shacabka.
Farmaajo ayaa sheegay in tacaddiga iyo jirdilka maanta loo geystay dadka waayeelka ah ee lagu barakiciyey Ssuqa Siinay uu dhaawacayo kalsoonida shacabka ee dowladnimada.
“Waa fal ay tahay in sida uga adag looga jawaabo. Muuqaallada naga soo gaaray aabaha iyo hooyada Soomaaliyeed ee waayeelka ah ee sida bahalnimada ah loo jirdilayo iyadoo boqolaal qof ay daawanayaan waa boog madoow oo aan harayn iyo dulmi weyn,” ayuu Farmaajo ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray goordhoweyd.
Madaxweynihii hore ayaa si adag u cambaareeyay falka iyo tacadiga saaka loo gaystay aabaha waayeelka ah ee horey looga barakiciyey dhulkiisii.
Sidoo kale waxa uu laamaha ammaanka, askarta iyo saraakiisha dowladda uga digay cawaaqib xumida ka dhalan karta falalkan soo laalaabtay ee lagula kacayo birmo-geydada Soomaaliyeed ee la barakiciyey.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaan gurmadka iyo garab istaagga muwaadiniinta nugul ee la bara kiciyey,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ugu dambeyntiina, xuukuumadda iyo hay’adaha aminga ayuu uga digay ku xad-gudubka karaamada iyo xaquuqda aas-aasiga ah ee muwaaadinka oo saldhig u ah dastuurka dalka.
War-saxaafadeedka Farmaajo ayaa imanaya xilli ay ciidamada booliska Soomaaliya soo qabteen askartii saaka jirdilka ka geysatay xaafadda Siinaay, kadib carro xooggan oo ka dhalatay muuqaallo si weyn u faafay oo laga duubay askarta oo Aabe waayeel ah iyo hooyo si xun u garaacaya, isla markaana ula dhaqmaya si naxariis la’aan ah.
Askartan oo lagu soo bandhigay saldhiga Warta Nabadda ayaa gaaraya illaa shan xubnood, kuwaas oo ka kala tirsan ciidanka booliska iyo kuwa hay’adda abad-sugidda, gaar ahaan kuwa loo yaqaano dharcadka.
Intii ay socotay soo bandhigista raggaan ayaa waxaa saldhiga ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa siyaasiyiinta mucaaradka, kadib markii ay halkaasi tagaan qaar kamid hoggaamiyeyaasha mucaaradka.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo iyagu saacado ka hor sheegay inay si weyn uga xumaadeen falkii ay ku kaceen booliska ayaan la ogeyn sababta ay halkaasi u tageen. Waxaana markii ay isku dayeen inay xoog ku galaan saldhiga uu isku dhac kooban uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa la socday mucaaradka.
Rasaas iyo hub xooggan ayay dhinacyadu isku rideen, ayadoo la soo sheegayo in rasaasta qaar ay u gudubtay dhanka qolalka xabsiga ee ay ku jiraan maxaabiista ku xiran saldhiga Warta Nabadda.
Dowladda Soomaaliya oo dhankeeda deg-deg uga hadashay dhacdadan ayaa si u cambaareysay arbushaada ay siyaasiyiinta mucaaradka ka sameeyeen saldhiga Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
Dowladda ayaa tallaabada mucaaradka ku tilmaamtay mid ay ku rabeen inay xoog kula wareegaan saldhiga booliska ee degmada Warta Nabadda.
“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay cambaareyneysaa falal liddi ku ah amniga caasimadda oo ay ku dhaqaaqeen xubno siyaasiyiin ah oo doonayey inay xoog kula wareegaan saldhigga booliska ee degmada Warta Nabadda ,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in siyaasiyiin ku haminaya qabashada talada dalka ay isku dayaan inay daadiyaan dhiigga shacabka iyo kan ciidamada qalabka sida ee ku hawlan difaaca dalka iyo dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.
Si kastaba, xiisadda u dhaxeysa dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa kasii dareysa, ayadoo dhinacyadu isku fahmi waayeen dhowr kulan oo yeesheen, kadib markii uu mucaaradka dalbaday in laga laabto wax ka beddelka dastuurka oo si adag ugu dhagan yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

