26.6 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Mucaaradka oo war culus kasoo saaray dib u dhaca ku yimid dibadbaxooda

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Axmed ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid dibadbaxii la filayay in ay maanta ku qabtaan magaalada Muqdisho, kadib dhex dhexaadin ay sameeyeen iyaga iyo madaxda dowladda Soomaaliya.

Dadaallo ay hoggaaminayeen Imaamka, Ugaaska Mudullood iyo guddiga xildhibaannada beelaha Hawiye ayaa horseeday is-afgarad, iyadoo Madasha Samatabixinta ay aqbaleen soo jeedintii ka dhalatay dadaalladaas, oo lagu baajiyay bannaanbaxii dhici lahaa maanta.

Waxaa la isku raacay, shir jaraa’id oo wadajir ahna lagu sheegay, in bannaanbaxu uu yahay mid dastuuri ah, islamarkaana uu qabsoomi doono muddo 9 maalmood gudahood, iyadoo wixii farsamo ah laga shaqayn doono ka hor.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa faah-faahiyay  qorshahooda, wuxuuna tilmaamay in weli aanu isbedalin go’aankooda, balse ay aqbaleen dadaalka la sameeyay, dibadbaxana uu dhacayo 9 maalmood gudahood.

“Mudaharaadku waa xuquuq dastuuri ah oo qof walba oo Soomaali ah uu leeyahay, sidaas darteedna ayaana ugu baaqnay, akhayaarta halkan fadhida ayaa waxa ay naga codsadeen mudaaharaadkaas inay u helaan hab nololeed oo daamaanad qaadayo nolosha dadka inaanan qatar la gelininin, waxaan isla garanay waqtiga ay ku dhici karto waana 9 maalmood gudahood ” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray qaban-qaabiyeyaasha banaan-baxa iyo shacabka, isaga oo uga cudur daartay dib u dhaca ku yimid waqtiga mudahaaradka, balse waxa uu sheegay in ay ka fakireen badqabka shacabka, isla markaana hadda ay ka shaqeynayaan sidii uu dibadbaxooda u noqon lahaa mid nabdoon oo aysan waxyeelo kasoo gaarin dadka.

“Dhalinyarada wiilasha, gabdhaha iyo odayaasha ee runtii arrintaas ka shaqeynaayay waxaan ku amaaneynaa dadaalkoodii, waxaana ugu cudur daaraneynaa waqtiga isbeddalkiisa, laakiin waxaan ku beddalnay mudaharaad nabad ah oo aan khatar lahayn oo aan culeys lahayn” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna qoraal soo saaray ayaa sii xoojiyay hadalka Shariif, wuxuuna yiri “Mudaaharaadku waa xaq dastuuri ah oo xumaan lagu diido ama wanaag lagu taageero. Xumaantu waxay guulaystaa markii dadka wanaagsan iyo kuwa uusan markaa dhibku haysanin ay iskaga aamusaan oo aysan tilaab qaadin, dantooda oo keli ahna ku foofaan”.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaa inoo balan ah in aan midnimo kaga hortagno ku takrifalka awoodda, musuqa, eexda, barakaca, iskana qabano madaxda musuqa, mukaalaha cayilan iyo dhiigmiiratada”.

Si kastaba, ha’ahaatee Waxaa hadda muuqata in dowladda si farsamaysan uga adkaatay mucaaradka, iyadoo damisay xiisaddii taagneyd, lagana yaabo in 9 maalmood kadib mucaaradku waayaan xamaasaddii dadka soo bixin lahayd.

- Advertisement -

Read more

Local News