Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ah ku jooga magaalada Riyadh ee Boqortooyada Saudi Arabia ayaa maanta halkaas ka bilaabay kulamo uu la yeelanayo madaxda dalkaasi.
Biixi ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay xarunta wasasaaradda maaliyadda ee dalkaasi, wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Saudi Arabia Mudane Abdulmuhsen Bin Sa’ad Alkhalaf iyo xubno sare oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda, iyaga oo ka wada-hadlay qorshayaal waa wayn oo ay isla fuliyaan labada dowladood.
Inta uu socday shirka laba geesoodka ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac ee dhanka dhaqaalaha, iyada oo mahadcelin kadib uu wasiirku si faah-faahsan ugala hadlay qorshayaasha maalgalinta mashaariicda horumarineed ee dowladda Soomaaliya ee dhinacyada kaabayaadha dhaqaalaha, khayraadka badda, xoolaha, beeraha iyo dhanka tamarta.
Wasiir Biixi iyo wasiir ku xigeenka maaliyadda Saudi Arabia ayaa intaasi kadib ku heshiiyay in wada-hadalladan hore loo sii wado, isla markaana loo beddelo heer farsamo, si looga miro dhaliyo oo loo gaaro heshiis maalgashi oo laba geesood ah (Investment treaty).
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa maalmahan dambe waday dadaallo dheeraad ah, oo la xiriira horumarinta dhaqaalaha dalka, waxaana ugu dambeysay shalay oo uu Nairobi kula kulmay safiirrada dalalka xiriirka dhow la leh Soomaaliya, isaga oo kala hadlay xaaladda dalka iyo sii wadida taageeradooda joogtada ah.
Kulankaas ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, taageerada dib-u-habeynta maaliyadda iyo horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo beesha caalamka.
Wasiirka ayaa safiirrada uu la kulmay ku sii adkeeyay muhiimadda ay u leedahay in si daahfuran loo wada shaqeeyo, si loo xaqiijiyo guulaha laga gaaray dib-u-habeynta maaliyadda iyo barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha, xili ay dowladdu dadaal xoogan galinayso sidii loo heli lahaa mashaariic horumarineed oo wax tar leh.


