27.2 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Xamza oo ka digay arrin ku sii xoogeysanaysa dalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa markii u horeysay si adag uga digay luuqadaha shisheeye ee kusii xoogeysanaya waxbarashada, maamulka iyo nolosha bulshada.

Xamza oo Axaddii ka qeyb-galay daah-furka barnaamijka xoojinta Afka Carabiga ee Soomaaliya ayaa muujiyay muhiimada xoojinta Afka hooyo ee Soomaaliga, oo lagu ladhay kan Carabiga, oo uu sheegay in laf-dhabar u yahay dhaqanka iyo aqoonsiga diineed ee Soomaaliya.

“Waxaan markhaati ka nahay hoos u dhac ku yimid dadaalladii lagu casriyeeyay afka, taasoo albaab u furtay in luqadaha shisheeye ay ku sii xoogaystaan waxbarashada, maamulka iyo adeegyadii rasmiga ahaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Xamza ayaa sheegay in Afka Carabiga uu laf-dhabar u yahay dhaqanka iyo aqoonsiga diineed ee Soomaaliya, isagoo qiray in caqabad ka jirto isku dheelitirka isaga iyo Af-Soomaaliga oo ah luqadda rasmiga ah ee dalka.

“Afka Carabigu ma aha af shisheeye Soomaaliya, balse waa qayb ka mid ah ruuxa iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xamza oo sidoo kale xaqiijiyay in dowladdiisu ay qaadan doonto tallooyinka kasoo baxa barnaamijka, laguna dari doono siyaasadaha waxbarashada iyo maamulka.

Barnaamijka xoojinta Afka Carabiga Soomaaliga ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah sanadihii ugu dambeeyay. Munaasabadda ayaa isu keentay mas’uuliyiin Soomaaliyeed iyo wakiillo ka socday Jaamacadda Carabta si ay uga wada-hadlaan sidii Afka Carabiga loogu xoojin lahaa dugsiyada, jaamacadaha iyo hay’adaha dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey ururka Jamacadda Carabta, taageeradooda ku aaddan dhinacyada diblumaasiyadda, waxbarashada, dowlad-dhiska iyo doorka ay ka qaateen dayn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale wuxuu amaanay kaalinta Jaamacadda Carabta, isaga oo xusay shaqada wakiilkeeda Muqdisho, Cabdullaahi Al-Otaibi.

Xubnaha ka socday ururka Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminayo Agaasimaha waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta, Zayd Al-sabbaan, ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda Soomaaliya iyo horumarka ay gaartay, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista iskaashiga iyo horumarka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo wada-shaqeynta.

- Advertisement -

Read more

Local News