31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Diyaarad si lama filaan ah ugu degtay deegaan ay maamulaan Al-Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta diyaarad Helicopter ah ay ku dhacday qaybo kamid ah gobolkaasi, gaar ahaan deegaan ay maamulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Diyaaradda oo ahayd mid gaar ah ayaa u diiwaan-gashaneyd Qaramada Midoobay, waxayna ka baxday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, diyaaradda ayaa kusii jeeday degmada Wisil, balse waxa soo wajahday cilad, iyada oo kadib si deg-deg ah ugu degtay deegaanka Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galgaduud, halkaas oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Warararka ayaa intaasi kusii daraya in shaqaalaha saarnaa diyaaradda ay bad-qabaan, balse waxaa iyagii iyo burburka diyaaradda gacanta ku dhigtay kooxda Al-Shabaab.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sidoo kale warbaahinta maxalliga ah u sheegay inay arkayeen markii ay soo dhaceysay diyaarada oo qorshaheedu aanu ahayn inay caga dhigato halkaasi, balse ay ku timid cilad farsamo oo sababtay in duuliyaha ku dajiyo halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ku aadan diyaaradaas iyo shaqaalaheeda ee u gacan galay Al-Shabaab.

Marar badan ayaa waxaa deegaannada ay joogaan Al-Shabaab ku dhacay diyaarado yar yar oo ah nooca Helicopter-ka, waxaa ugu dambeysay middii ku dhacday deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, xilli ay halkaasi kasoo baxeen ciidamada howlgalka AUSSOM, kadibna ay wareegeen Al-Shabaab.

Diyaaradaas oo iyana u gacan gashay kooxda ayaa dhacday xilli ciidamada AUSSOM ee howlgalka Midowga Afrika laga daad-gureynayay halkaasi, kaddib markii a ku dhufteen roobab iyo daadad ba’an.

Waxaa kale jirtay bishii Febraayo ee sanadkan sidaan oo kale diyaarad milatari oo ay lahaayeen ciidanka Kenya ay ugu dhacday deegaan ay maamulaan Al-Shabaab oo ku yaalla Jubbada Hoose, waxaana la socday duuliyaha & 2 nin oo kale, kuwaas oo ay u suuragashay inay ka fakadaan kooxda, kadib markii u carareen dhanka xeebta oo ay doon kasii raaceen.

- Advertisement -

Read more

Local News