31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Macawiisleyda oo jidka u gashay Al-Shabaab – Maxaa dhacay maanta?

Bookmark
Bookmarked

Share

Maxaas (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Macawiisleyda ka fuliyeen aagga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo aad loo qorsheeyay ayaa lagu qaaday maleeshiyo ka tirsan kooxda oo ku socdaalaayay deegaanka Waab-wayn, halkaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay.

Saraakiil ka tirsan Macawiisleyda ayaa sheegay inay heleen xogta Al-Shabaab, kadibna ay dhabaha u galeen, iyaga oo tilmaanay inay jab culus ku gaarsiiyeen howlgalkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay dileen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna kasoo furteen hub iyo saanad milatari oo ay wateen xubanah jidka loo galay.

Waxaa kale oo ay sheegeen in howlgalkooda uu guuleystay, isla markaana ay sii wadi doonaan inta Al-Shabaab ay ku sugan yihiin deegaanno ka mid ah gobolka.

Hiiraan ayaa waxaa ka socda guluf culus oo ka dhan ah argagixisada, waxaana lasoo wariyay in ciidamo badan haatan lagu diyaariyay furimaha hore, si loo weeraro Al-Shabaab.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa kusoo aadayo, iyada oo argagixisadu ay haysato degmooyinka waa wayn ee Maxaas iyo Moqokori oo ay horay ula wareegtay, kadib markii ay dib uga soo baxeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka.

Maxaas oo ku taalla bartamaha Hiiraan ayaa ahayd degmo istiraatiiji ah oo laga dardar galiyo dadagaalka Khawaarijta, waxaana la wareegisteeda ay dhalisay hadal-heyn xoogan.

Si kastaba, abaabulka hadda socda ayaa kusoo aadayo, iyada oo dowladda ay haatan dib boorka uga jafeyso ciidankeeda, si ay dib ugu laabtaan deegaanadii laga soo baxay.

- Advertisement -

Read more

Local News