26 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Qatar, Turkey iyo Masar – Maxay kula taliyeen Xamas in ay ka yeesho 20-ka qodob?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Doha (Caasimada Online) – Dalalka Qatar, Masar iyo Turkey ayaa ku boorrinaya Xamaas inay jawaab togan ka bixiso hindisaha Madaxweyne Trump ee lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, sida ay sheegeen laba ilo-wareed oo xog-ogaal u ah wada-hadallada.

Saddexdan dal ayaa ah dhex-dhexaadiyeyaasha xiriirka ugu dhow la leh Xamaas, waxaana saaran mas’uuliyadda ugu weyn ee kala gudbinta farriimaha u dhexeeya ururkaas, Israel iyo Mareykanka. Saraakiil sarsare oo ka tirsan dalalkaas ayaa la kulmay hoggaamiyeyaasha Xamaas laba jeer 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay Talaadadii inuu Xamaas siinayo saddex illaa afar maalmood si ay uga soo jawaabto hindisihiisa.

“Hal saxiix oo keliya ayaan u baahannahay, qofkii diidana wuxuu ku muteysan doonaa halaag. Waxaan rajeynayaa inay saxiixaan iyagoo danahooda eeganaya, si loo abuuro wax runtii qiimo weyn leh,” ayuu Trump ku yiri khudbad uu u jeediyey boqollaal janaraallo iyo admiraallo ah oo ku sugnaa Quantico, Virginia.

Saraakiisha Mareykanka iyo kuwa Israel ayaa filaya in Xamaas ay guud ahaan jawaab togan ka bixin doonto hindisaha Trump, inkastoo laga yaabo inay la yimaadaan shuruudo qaar ka mid ah.

Habeenkii Isniinta, xilli uu Trump qorshihiisa adduunka u soo bandhigayey, Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Mohammed bin Abdulrahman al-Thani, iyo madaxa sirdoonka Masar, Hassan Rashad, ayaa iyaguna qorshahaas u gudbinayey hoggaamiyeyaasha Xamaas oo ku sugan Doha, sida uu sheegay ilo-wareed xog-ogaal ah.

Labadooduba waxay ku boorriyeen Xamaas inay heshiiska aqbasho. Al-Thani ayaa kula taliyey hoggaamiyeyaasha Xamaas in heshiiskani yahay kii ugu wanaagsanaa ee uu u soo heli karay, isla markaana aan la filayn mid ka sii fiican, sida uu sheegay ilo-wareedku.

Sidoo kale, Al-Thani wuxuu ku nuuxnuuxsaday, isagoo ka duulaya wada-hadalladii uu la yeeshay Trump, inuu ku kalsoon yahay in madaxweynaha Mareykanka ay si dhab ah uga go’an tahay soo afjaridda dagaalka. Wuxuu sheegay in taasi ay tahay dammaanad qaad ku filan Xamaas.

Hoggaamiyeyaasha Xamaas ayaa u sheegay al-Thani inay si niyad sami ah u darsi doonaan hindisaha, sida uu sheegay ilo-wareedku.

Xaaladda hadda taagan

Al-Thani iyo Rashad ayaa mar kale kula kulmay hoggaamiyeyaasha Xamaas magaalada Doha maalintii Talaadada, waxaana markan kulanka ku wehliyey madaxa sirdoonka Turkey, Ebrahim Kalin.

Kulankaas ka hor, Al-Thani waxa uu u sheegay telefishanka Al-Jazeera inuu rajeynayo “in qof walba uu qorshaha u eego si wax-dhisaysa, kana faa’iideysto fursaddan lagu soo afjarayo dagaalka.”

Wuxuu sheegay in Xamaas looga baahan yahay inay is-afgarad la gaarto dhammaan kooxaha kale ee Falastiiniyiinta ee Gaza ka hor inta aysan soo saarin jawaab rasmi ah.

“Anaga iyo Masar waxaan shalay kulankii aan la yeelannay Xamaas ugu sharraxnay in hadafkeenna ugu weyn uu yahay joojinta dagaalka. Qorshaha Trump wuxuu xaqiijinayaa hadafkaas ugu muhiimsan ee ah soo afjaridda dagaalka, in kasta oo ay jiraan arrimo ku jira oo u baahan in la caddeeyo oo laga wada-hadlo,” ayuu raaciyey ra’iisul wasaaraha Qatar.

In kasta oo qorshuhu uu Xamaas siinayo waxyaabo badan oo ay dalbanaysay, sida sii deynta 2,000 oo maxbuus Falastiini ah iyo kordhinta gargaarka bani’aadannimo, haddana waxaa sidoo kale ku jira tanaasulaad waaweyn — kuwaas oo qaar ka mid ah lagu daray codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.

Qorshuhu wuxuu ku baaqayaa in ciidanka Israel ay si heerar kala duwan ah uga baxaan Gaza iyo in Xamaas ay si buuxda hubka u dhigto, taasoo ah arrin ay ilaa hadda diidanayd.

Isbeddellada qaar ee lagu sameeyey shuruudaha iyo jadwalka ka bixitaanka Israel ee Gaza ayaa ka caraysiiyey saraakiisha Carabta, waxaana laga yaabaa inay ku adkaato Xamaas inay aqbasho.

Al-Thani ayaa sheegay Talaadadii in qorshaha Trump uu “weli ku jiro marxalad hore uuna u baahan yahay in la sii horumariyo,” isagoo ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay wada-hadallo dheeri ah si mabaadi’da guud loogu beddelo wax la fulin karo.

Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa dhankiisa sheegay Talaadadii in “aysan jirin meel badan” oo wada-hadal dheeri ah loo furan yahay.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka wada-hadlaan codsiyo gaar ah oo Xamaas ka keento caddayn ama wax-ka-beddel, laakiin aysan dib u furi doonin qorshaha oo dhan si mar kale looga doodo. 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News