Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiikiisa ku qaabilay dhiggiisa dalka Sweden Mudane Pål Jonson oo saaka diyaarad qaas ah ku yimid gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Labada wasiir oo yeeshay kulan laba geesood ah ayaa diiradda ku saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, gaar ahaan labada qodob ee kala ah ammaanka, iyo taageerada dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah
Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa xusay in xiriirka Sweden iyo Soomaaliya uu ku saleysan yahay iskaashi saaxiibtinimo iyo dan guud oo ku wajahan xasaillinta gobolka.
Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyay Dowladda Sweden dhinacyada kala duwan ee ay Soomaaliya ka caawiyaan, gaar ahaan arrimaha dhaqaalaha iyo milatariga.
Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Sweden, Pål Jonson ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka dadaalka ay ku bixineyso sugidda nabadda iyo guulaha ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, maadaama dhul ballaaran laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.
Waxaa kale oo uu ballan qaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada iyo horumarinta xirfadda ciidamada Soomaaliyeed
Wada-hadallada ayaa sii socon doono, iyada oo la filayo in labada dowlaood ay kala saxiixdaan heshiisyo cusub oo la xiriira wada-shaqeynta difaaca, si loo sii adkeeyo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sweden.
Soomaaliya iyo Sweden ayaa muddooyinkii dambe xoojinayay iskaashiga dhanka amniga ee labada dal, iyadoo la filayo in dowladda Sweden ay kordhiso tababarada iyo taageeradda ay u fidiso ciidanka Soomaaliyeed, oo haatan dib u dhis iyo tayeyn lagu wado, kuna jira dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada.
Si kastaba ha’ahaatee Sweden oo ku taalla waqooyiga qaaradda Yurub, waa dal ka tirsan gobolka Scandinavia ayaa 7-dii Maarso 2024 si rasmi ah uga mid noqday Gaashaanbuurta NATO, kaddib markii uu oggolaaday Turkigu oo hore u diidanaa xubinnimadiisa.


