26.9 C
Mogadishu
Thursday, October 9, 2025

Madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray guusha ay maanta gaartay Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka madaxa-bannaan ee maareynta, kormeerka iyo ka-warbixinta arrimaha xuquuqul insaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xarriiqay in ay tahay waajibaad qaran oo in ka badan soddon sano laga maamulayay dalka dibaddiisa.

“Maanta waa maalin taariikhi ah maadaama Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar la taaban karo oo dhinaca dowladnimada ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay si madax-bannaan u fuliso waajibaadkeeda qaran iyo midka caalamiga ah ee ku aaddan dhowrista iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay sida ay dowladda uga go’an tahay in ay sii amba-qaaddo ilaalinta karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinteeda iyada oo la kaashaneysa qaybaha kala duwan ee daneeyayaasha heer gobol iyo caalami.

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah u meel mariyey qaraar muhiim ah, oo Soomaaliya ay kula soo wareegeyso maareynta Madaxa Bannaan iyo waajibaadkeeda Qaran ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka, kaasi oo Soomaaliya ka maqneyd  tan iyo 1993-dii.

Dib u hanashada Soomaaliya ee masuuliyaddan qaran ayaa muujinaysaa dadaal dheeri ah oo ay sameeyeen hay’adaha qaranka iyo kalsoonida lagu qabo in ay si buuxda ula wareegto hagidda iyo ilaalinta xuquuqul insaanka, iyadoo ku saleysan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mabaadi’da Paris Principles, iyo qiyamka aasaasiga ah ee Qaramada Midoobay.

Guushan ayaa sidoo kale meesha ka saareysa soo magacaabista qabiirka Xuquuqul Insaanka, oo dalkeenna loo soo magacaabi jiray labadii sanadoodba mar.

“Guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya ka gaartay kulankii loogu codeeyey ee ka dhacay magaalada Geneva, Switzerland, ayaa meesha ka saareysa soo magacaabista qabiirka Xuquuqul Insaanka, oo dalkeenna loo soo magacaabi jiray labadii sanadoodba mar” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda.

Horay Soomaaliya ayaa u xaqiijisay guulo waa wayn, oo ay kamid tahay ku guuleysiga kursiga aan joogtada aheynd ee Qaramada Midoobay iyo ku biirista dalladda bulshada bariga Afrika ee EAC.

- Advertisement -

Read more

Local News