26.9 C
Mogadishu
Thursday, October 9, 2025

Banaanbixii mucaaradka ee berri oo mar kale dib loo dhigay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanbixii mucaaradka ee berri ayaa mar kale dib loo dhigay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kulan ay yeesheen xubno ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madasha Mucaarad iyo Guddiga Dhex-dhexaadinta ayaa lagu heshiiyay in dib loo dhigo banaanbaxa markii labaad, iyadoo horey loo baajiyay banaanbixii kan ka horeeyay.

Dhinacyadan ayaa ku heshiiyay in la magacaabo gudi ka kooban afar xubnood oo si wadajir ah uga shaqeeya habsami u qabsoomidda iyo goobta lagu qabanayo.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu gaaray in aan magaalada lagu dhex wadan karin hubka waaweyn, halka gaadiidka (Cabdi-Bileyaasha) ay wataan xubnaha mucaaradka la diiwaangelin doono.

Dowladda waxaa kulanka ku matalayay Taliyeyaasha Booliska iyo NISA, halka Madasha ay ka socdeen C/raxmaan C/shakuur iyo Xasan Cali Khayre.

Guddiga dhex-dhexaadinta waxaa ka socday Xildhibaanada Ugaas Dhagay, Senator Dhagdheer, iyo Xildhibaan Saabir Shuuriye.

Horey, dadaallo ay hoggaaminayeen Imaamka, Ugaaska Mudullood iyo guddi xildhibaannada beelaha Hawiye ayaa horseeday is-afgarad, iyadoo Madasha Samatabixinta ay aqbaleen soo jeedin ka dhalatay dadaalladaas, taas oo lagu baajiyay bannaanbaxii hore ee dhici lahaa 27-kii bishii hore ee September.

Waxaa markaas la isku raacay in bannaanbaxu uu yahay mid dastuuri ah, isla markaana uu qabsoomi doono muddo 9 maalmood gudahood, iyadoo wixii farsamo ah laga shaqayn doono ka hor. Balse mar kale wuu baaqday.

Mucaaradka ayaa mar kale lagu qanciyay in dowladda iyo iyagu si wadajir ah uga shaqeeyaan bannaanbaxa, si uu ugu qabsoomo nabad ay dowladdu amnigeeda sugeyso.

Is-afgaradkii koowaad ee laga gaaray xiisaddii taagneyd ee bannaanbaxan dib loo dhigay ayaa biyo qabow ku shubay walaaca ay dadka Muqdisho ka qabeen in bannaanbaxu isu beddelo mid hubeysan oo qalalaase ka dhasha.

Waxaa hadda muuqata in dowladda si farsamaysan uga adkaatay mucaaradka, iyadoo damisay xiisaddii taagneyd, isla markaana ay weli ka meer-meerayso inuu dhaco banaanbax dadweyne oo mucaaradka horkacayo.

Si kastaba, qorshaha banaanbaxan ayaa ka dhashay xiisadda dhulka danta guud ee dowladda ka kicinayso shacabka degan, twas oo cirka kusii shareertay xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Xiisadda ayaa kasii dartay kadib markii dhawaan iska hor imaad hubeysan uu mucaaradka iyo dowladda ku dhexmaray saldhiga Warta Nabadda. Mucaaradka oo markaas sheegay inay saldhiga u tageen inay soo damiintaan dad shacab ah oo loo xiray arrimaha dhulka danta guud ayaa muujiyay in naftooda halis la geliyay.

Booliska ayaa dhankiisa sheegay in iska hor imaadka uu ka dhashay in hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo wata ciidan hubsay ay isku dayeen inay xoog kusoo galaan saldhigga oo ku xiran yihiin maxaabiis loo xukumay dambiyo culus.

Mucaaradka ayaa isla habeenkaasi ku dhawaaqay banaanbaxa dib u dhaca ku yimid labada jeer, kaasi oo mucaaradku sheegat in looga soo horjeedo barakicinta dhulka danta guud ee magaalada Muqdisho.

Arrimahaan ayaa imanaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda u dhaxeysa siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda, oo salka ku haya wax ka beddelka dastuurka iyo sidoo kale arrimaha dhulka danta guud, oo mucaaradka si adag uga horyimid barakicinta shacabka.

- Advertisement -

Read more

Local News