28.5 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Xog: Xasan oo ka baaqday shirka COMESA ee Nairobi xilli ay xiisad kala dhaxeyso Kenya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka baaqday shir-madaxeedkii 24-aad ee Ururka Suuq-geynta Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA), kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Taas beddelkeeda, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka u diray Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, kaas oo matalayay Soomaaliya.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin sababta baaqashada madaxweynaha, haddana arrintan ayaa timid maalmo kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Jubaland, kuwaas oo ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoo dowladda Kenya ay dhex-dhexaadinaysay.

Ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegay in sababta baaqashada ay la xiriirto khilaafka gudaha ee Dowladda Federaalka iyo Jubaland, kaas oo Villa Somalia u aragto in dalalka deriska ah ay faragelin ku leeyihiin.

Dowladda Kenya ayaa ah taageeraha ugu weyn ee maamulka Jubaland, iyadoo Axmed Madoobe — oo markii horeba ay madaxweyne ka dhigtay — siisa taageero ciidan iyo mid farsamo, taas oo ka caawisa inuu ka baxsado cadaadiska dowladda federaalka.

Kadib fashilka wada-hadalladii Kismaayo, dowladda federaalka ayaa go’aansatay in la dhiso maamul cusub oo Jubaland ah, maadaama kan hadda jira ay u aragto mid sharci-darro ah, arrintaas oo Kenya ay aad uga soo horjeedo.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u wakiishay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre dhismaha maamulka cusub ee Jubaland, isaga oo faray in sida ugu dhaqsaha badan loo guda galo dhismaha maamul cusub oo lagu dhabar-jabinaayo midka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Sida ay Caasimada heshay, qorshahan ayaa lagu ballamay in lagu soo gabagabeeyo muddo 45 cisho gudahood, iyadoo madaxweynuhu soo jeediyay in musharaxa cusub ee Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, uu noqdo Wasiirka Amniga Gudaha ahna xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Kooxda Villa Somalia ayaa sidoo kale rumeysan in qorshahan uu door weyn ka ciyaari doono Cabdirashiid Janan, kaas oo la isku raacay inuu buuxiyo booska uu baneynayo Fartaag ee Wasiirka Amniga Gudaha.

Janan, oo Arbacadii kulan la yeeshay waxgaradka gobolka Gedo, ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay bilaabi doonaan dhismaha Jubbaland cusub oo aan ku xirneyn dalal shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ee Jubaland ayaa maanta uga digay Dowladda Federaalka ah “dhaq-dhaqaaqyo maamul-samayn ah” oo ay ku eedeeyeen in laga wado gobolka Gedo. Jubaland waxay ku gooddisay in cawaaqibka ka dhasha arrintaas ay masuuliyaddeeda qaadi doonto Dowladda Federaalka.

Ururka COMESA (Common Market for Eastern and Southern Africa) waa urur dhaqaale oo ay ku mideysan yihiin 21 dal oo ka tirsan Bariga iyo Koonfurta Afrika, oo ay ku jirto Soomaaliya.

Waxaa la aasaasay sanadkii 1994 si loo xoojiyo ganacsiga, is-dhexgalka dhaqaalaha, iyo horumarinta suuqa guud ee gobolka. Soomaaliya waxay dib ugu biirtay ururka sanadkii 2018, iyadoo ujeeddadu ahayd in la xoojiyo iskaashiga ganacsi iyo maalgelinta gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News