32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawirro: Soomaaliya iyo Azerbaijan oo gaaray heshiis cusub oo meesha ka saaraya…

Bookmark
Bookmarked

Share

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa maanta kala saxiixday heshiis cusub, kaasi oo dhigaya in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal aan looga baahneyn wax dal-ku-gal ah.

Heshiiskan ayaa lagu saxiixay caasimadda Uganda ee Kampala, waxaan qalinka ku duugay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar Balcad iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Samir Sharifov.

Markii la saxiixayay heshiiska, waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan Xaadoow iyo Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.

Labada wasiir ayaa intii kulankooda socday ka wada-hadlay sidoo kale xoojinta xiriirka labada dal, kaasoo sanadihii ugu dambeeyay si weyn u sii xoogeysanayay.

Heshiiskan ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku tilmaamtay mid muujinaya sida Soomaaliya ay u soo ceshatay sumcaddeeda caalamiga ah iyo kaalinta ay ku leedahay faafitaanka xiriirka diblumaasiyadeed ee adduunka.

Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa horey u kala saxiixday heshiisyo dhaxalgal ah oo ay ka mid yihiin kobcinta iskaashiga waxbarasho, siinta deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed, horumarinta cilmi-baarista, iyo hal-abuurka. Sidoo kale waxaa qeyb ka ah in Azerbaijan ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta tamarta, gaar ahaan dhinacyada shidaalka, gaaska, iyo tamarta la cusboonaysiin karo.

Sidoo kale, labada dal ayaa horey ugu heshiiyay wada-shaqeyn dhow oo ku aaddan tababarada ciidamada, la-dagaallanka argagixisada iyo tayeynta hay’adaha amniga. Waxaa sidoo kale la isku afgartay in la casriyeeyo maamulka dowliga ah, iyadoo la dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo dowlad wanaagga.

Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Azerbaijan, Ilham Aliyev oo horraantii sanadkaan ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiisyadan.

Xasan ayaa horraantii sanadkaan tegay dalka Azerbaijan, taas oo lagu muujinayay ahmiyadda ay dowladda Soomaaliya siinayso ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha iyo amniga, si ay uga faa’iidaystaan labada dal iyo shacabka Soomaaliyeed iyo kan Azerbaijan.

- Advertisement -

Read more

Local News