28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

HirShabelle oo shaacisay in ay gacanta kusoo dhigtay maleeshiyaadkii weeraray…

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Taliska Booliska degmada Jowhar ayaa faah-faahin kasoo saaray weerar khasaaro kala duwan geystay oo shalay ka dhacay tuulada Mareereey ee hoostagta magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Jowhar, Dhamme Cabdifataax Arwaax Aadan ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay ciidamada ammaankua kusoo qaadeen maleeshiyaad hubeysan, kuwaasi oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

“Gaari Cabdi-bille ah oo laga lahaa saldhiga degmada Jowhar ayay koox maleeshiyaad ah wadada u galeen inta u dhaxeysa degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar, kaasoo ku guda jiray howl maalmeedkiisa,” ayuu yiri Taliyaha Cabdifataax Arwaax Aadan.

Waxa uu intaas kusii daray “Kooxda soo weerartay ciidanka waxaa looga shakisan yahay inay gacan saar la leeyihiin argagixisada.”

Taliyaha ayaa intaas ku daray in ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen qaar ka mid ah raggii weerarka fuliyay, halka kuwa kale ay weli ku raad-joogaan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weerarka uu sababay dhimashada ilaa saddex qof iyo dhaawacyo kale oo fara badan.

Wararka qaar ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid salka ku hayay is qabqabsi ka dhashay dhul beereed ku yaalla deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xiisadda ayaa weli taagan, taas oo si weyn looga dareemayo meelaha u dhexeeya Mahadaay iyo Jowhar, halkaas oo odayaasha deegaanka ay ku eedeeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle inay lug ku leeyihiin dhacdada.

Deegaannada maamulka HirShabelle waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada oo saameyn xooggan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

- Advertisement -

Read more

Local News