Muqdisho (Caasimada Online) – Abbaare 9:00 fiidnimo xilliga Muqdisho ayaa koox hubaysan oo watay mooto nooca loo yaqaan “Fekoon”, oo ka koobnayd saddex ruux, ay tageen illinka hore ee guriga uu degan yahay wariyaha, oo ku yaalla degmada Kaaraan.
Mid ka mid ah raggaas ayaa rasaas ku furay wariyaha, xilli uu ka degganaa mooto Bajaaj isla markaana uu guriga gelayay. Halkaas waxaa dhaawac ka soo gaaray wiil uu la dhashay, oo fadhiyay albaabka.
Ciidammada amniga ayaa tegay halka ay wax ka dhaceen, iyaga oo sheegay in kooxda mootada saarneyd ay baxsatay oo aan weli gacanta lagu dhigin. Ciidammadu waxay xuseen in ay raggaasi ahaayeen Al-Shabaab.
Wariye Cabdulqaadir OK ayaa u sheegay Goobjoog Media Group in Alle ka badbaadiyay isku day dil ah, isaga oo intaas ku daray in uu mar walba dareemayay in Al-Shabaab iyo cid kasta oo dhibsanaysa shaqada uu u hayo umadda ay isku dayayaan in ay dilaan.
Wariye Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa ka mid ah suxufiyiinta la kulmay weeraro kooxaha argagixisada ah, waxaana horey loogu geystay dhaawacyo culus.

