27.4 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Geelle oo Soomaaliya uga digay dalal shisheeye ee ku sugan xerada Xalane

Bookmark
Bookmarked

Share

Carta (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta ayaa Soomaaliya uga digay ku tiirsanaanta shisheeyaha.

Geelle ayaa sheegay in shisheeyaha ujeedooyinkiisu yihiin in mar waliba la hoos joogo, taasina ay tahay mid looga gudbi karo in dadka Soomaaliyeed isku hiiliyaan.

Dadka Soomaaliyeed ayuu sheegay in haatan yihiin kuwo dhisan kara dalkooda, isagoo ka codsaday madaxda dowladda, kuwa mucaaradka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney isku hiiliyaan oo ay wax wada qabsadaan.

“Soomaaliyeey waxan idin leeyahay adinka oo kaliya ayaa dalkiina dhisan kara, Shisheeyaha intuu kuu sameynayo in ka badan ayuu ku dhibayaa oo in aad ku tiirsanaantan buu rabaa ee dalkiina dhista isku kalsoonaada,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Waxa uu intaas kusii daray: “Haddii shalay aan lahaa aniga iihiiliya maanta waxaan leeyahay idinka isku hiiliya.”

Sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay in dowladdiisa iyo shacabka reer Jabuuti ay mar walba diyaar u yihiin inay garab istaagan walaalahooda Soomaaliyeed.

“Dowladda Jabuuti waxay mar walba dooneysa in ay sii waddo kaalinta ay ku leedahay nabadda iyo horumarka Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Jabuuti ayaa ah dal walaal iyo daris la ah Soomaaliya, isla markaana abaal u galay dadka Soomaaliyeed, maadaama lagu soo yagleelay dowladnimada Soomaaliya oo haatan mareysa meel wanaagsan, kadib heerar kala duwan iyo marxalado adag oo lasoo maray.

- Advertisement -

Read more

Local News