Gaalkacyo (Caasimada Online) – Duqa Degmada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray Jacob Frey oo mar kale ku guuleystay xilka Duqa magaalada Minneapolis.
Duqa Gaalkacyo ayaa sheegay in dib-u-doorashada Frey ay caddeyneyso kalsoonida shacabka Minneapolis ay ku qabaan hoggaamintiisa daah-furan iyo dadaalkiisa horumarineed.
Duqa Gaalkacyo ayaa xusay in uu horey ula kulmay Jacob Frey 17-kii February 2023, xilligaas oo uu sheegay in ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iskaashiga magaalooyinka Gaalkacyo iyo Minneapolis, iyo horumarinta adeegyada bulshada.
“Duqa Gaalkacyo ayaa u rajeeyay dhiggiisa Jacob Frey in uu guul iyo barwaaqo ku hogaamiyo bulshada Minneapolis, ayna sii xoojiso xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee labada magaalo,” ayaa lagu yiri faafin deg-deg ah oo kasoo baxay xafiiska Duqa magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug.
Jacob Frey ayaa caawa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii duqa magaalada Minneapolis ee 2025, isagoo ku guuleystay muddo xileed saddexaad, wuxuuna ka adkaaday Omar Fateh oo Soomaali ah.
Frey ayaa guuleystay kaddib markii dib loo tiriyay codadka doorashada oo ahayd midda kala-dookhashada (ranked-choice), taasoo soo jiidatay tiradii ugu badnayd ee codbixiyayaal ee doorasho magaalo, 55% codbixiyayaasha diiwaangashan, jabisayna rikoorkii 54% ee la dhigay 2021.
Frey wuxuu iska difaacay loolan kaga yimid dhankiisa bidix, oo uu ugu horreeyay Fateh, oo 35 jir Soomaali ah, ahna senatar gobol oo ku jira muddo xileedkiisii labaad.
Frey ayaa helay 42% codadka dookha-koowaad, waxaana kusoo xigay Fateh oo helay 32%, DeWayne Davis oo helay 14% iyo ganacsade Jazz Hampton oo helay 10%.
Sababtoo ah ma jirin cid ku guuleysatay aqlabiyad Talaadadii (in ka badan 50%), saraakiisha doorashada ayaa Arbacada maanta ah meesha ka saaray musharraxiintii aan xisaab ahaan guuleysan karin, waxaana codadkoodii loo wareejiyay dookhooda xiga. Geeddi-socodka reebitaanka ayaa sii socday ilaa uu Frey ka helay aqlabiyad.
Intii lagu guda jiray xafladdiisii daawashada doorashada habeenkii Talaadada, Frey wuxuu ammaanay adkaysiga Minneapolis ee dhibaatooyinka, wuxuuna muujiyay kalsoonida uu ku qabo horumarka sii socda ee magaalada.
“Waxaan wax ka qabannay duruufihii ugu adkaa. Waxaan ku samaynay si gacan-ka-gacan ah, anagoo wajahayna adduunka,” ayuu yiri. “Minneapolis way soo kacaysaa, mid kasta oo naga mid ahna waan la kici doonnaa.”




