26.1 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Maamulka Puntland oo si adag u beeniyay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Eyl (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in falal burcad-badeednimo ay ka dhaceen xeebaha Eyl ee gobolka Nugaal.

Guddoomiyaha degmada Eyl, Faysal Khaliif Waceys ayaa sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ay soo tabiyeen warbaahino gudaha iyo dibadda ah oo aan xaqiiqo ku dhisnayn, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhacdadii ugu dambeysay ee lala xiriiriyay burcad-badeed Soomaaliyeed oo la sheegay inay la wareegeen markab lagu magacaabo Hellas Aphrodite uusan ka dhicin gudaha degmada Eyl iyo nawaaxigeeda, taasna ay si fiican u og yihiin hay’adaha amniga.

Sidoo kale, Faysal Khaliif ayaa xaqiijiyay in xaaladda amni ee Eyl ay tahay mid degan, isla markaana aanay suurtagal ahayn in halkaas laga abaabulo falal noocaas ah.

Wuxuu intaas ku daray in degmada ay si joogto ah u soo booqdaan dalxiisayaal Soomaali iyo ajaanib ah, kuwaas oo si nabad ah ugu nasto uguna damaashaada xeebaha magaalada.

Hadalkan ayaa imanaya xilli koox Soomaali ah ay qabsadeen markabka Hellas Aphrodite, kaasi oo markii dambe isaga degeen kadib markii ay ku guul-darreysteen inay furaan albaabada ay isku xireen 24 shaqaale ah oo markabka la socday, kuwaas oo isku soo xiray qolal amni ah.

Mid ka mid ah kooxda ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay rasaas ay isku dayayeen inay ku furaan albaabada qolalka ay isku xireen shaqaalaha, taas oo dib ugu soo laabatay dhankooda.

Howl-galka Atlanta ee ka hortagga weerarrada burcad-badeedda ayaa sidoo kale xaqiijiyay in kooxda markabka qabsatay ay isaga degeen si iskood ah, ayna badqabaan dhammaan shaqaalaha markabka Hellas Aphrodite.

Markabka ay kooxdu isaga degtay, oo ku safrayay calanka jasiiradda Malta ayaa siday shidaal uu ka soo qaaday Hindiya, wuxuuna u waday dalka Koonfur Afrika. Weerarka ayaa dhacay xilli uu markabku marayay meel qiyaastii 1,000KM u jirta xeebaha Soomaaliya.

Goobtan ayaa hore loogu diiwaangelin weerarro noocan oo kale ah, maadaama ay aad uga fog tahay biyaha Soomaaliya oo la tixgeliyo inay khatar yihiin. Dhacdadii ugu dambeysay ee la barbar dhigi karo ee markab la koray oo gobolka ka dhacday waxay ahayd bishii May 2024, markaasoo burcad-badeed la tuhunsan yahay ay koreen markabka Basilisk ee sita calanka Liberia, oo joogay meel qiyaastii 380 mayl-badeed bari ka xigta Muqdisho.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, dhacdadii ugu horreysay ee lala xiriiriyo burcad-badeed Soomaali ah oo nooceeda ah tan iyo 2024, ayaa dabley hubeysan waxay weerareen booyad ganacsi oo ku sugnayd meel ka baxsan xeebta u dhow caasimadda Muqdisho, iyagoo rasaas ku furay markabka kaddib markii ay isku dayeen inay koraan, sida ay sheegeen ilo dhinaca badda ah.

Ilo ku xeel dheer amniga badda ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay toddobaadkaas sidoo kale la wareegeen doon kalluumeysi oo Iiraan ay leedahay si ay ugu isticmaalaan ‘hooyo-markab’ (mothership) ay ka soo qaadaan weerarrada.

Afduubkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay bishii Diseembar 2023, markaasoo markabka Ruen ee sitay calanka Malta ay dabley qabsadeen kuna kaxaysteen xeebaha Soomaaliya, ka hor inta aysan ciidamada badda ee Hindiya xoreyn shaqaalihii isla markaana aysan xirin kooxdii weerarka geysatay.

Kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ayaa ahaa kuwo aan si weyn u firfircoonayn sannadihii la soo dhaafay, kaddib markii ay hore khatar weyn ugu hayeen agagaarka Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

- Advertisement -

Read more

Local News