25.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Mareykanka oo shaaciyay in la jabsaday nidaamkii e-Visa ee DF Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in la jabsaday nidaamkii e-Visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayay.

Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in kooxo burcad ah ay jabsadeen nidaamka, iyadoo mareegta laga xaday xogta iyo dhammaan macluumaadka kumannaan qof oo nidaamkan iska diiwaangeliyay.

Xogta la jabsaday ayaa la sheegay inay ka koobnayd magacyada codsadayaasha fiisaha, sawirradooda, taariikhda iyo goobta dhalashada, cinwaanada iimaylka, xaaladda guurka, iyo cinwaanada guryahooda.

Dadka xogtooda la jabsaday waxaa ka mid ah muwaadiniin u dhashay dalka Maraykanka, kuwaas oo dhibaatadan la kulmay lana xaday xogtoodii, sida ay sheegtay safaaraddu.

Maraykanka ayaa digniin u diray muwaadiniintiisa, isla markaana ku wargeliyay dhacdadan.

Hoos ka akhri qoraalka kasoo baxay Safaaradda oo u turjuman Soomaali:

11-kii Nofeembar 2025, ilo kala duwan ayaa soo sheegay warar la hubo oo muujinaya in kooxo aan la garanayn ay jabsadeen nidaamka e-Visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarkan ayaa sababay in xogta gaarka ah ee ugu yaraan 35,000 qof ay si khaldan u soo baxdo, waxaana la rumeysan yahay inay ku jiraan kumannaan muwaadiniin Maraykan ah.

Xogta la faafiyay ayaa lagu sheegay inay ka koobnayd:

  • Magacyada codsadayaasha fiisaha
  • Sawirradooda
  • Taariikhda iyo goobta dhalashada
  • Cinwaanada iimaylka
  • Xaaladda guurka
  • Iyo cinwaanada guryahooda

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ma xaqiijin karto in xogta qof gaar ah ay qayb ka tahay xogta la jabsaday, balse qof kasta oo hore u dalbaday fiisaha elektaroonigga ah (e-Visa) ee Soomaaliya waxaa suuragal ah inuu saameyn ku yeeshay jebintan.

Tallaabooyinka la qaadayo:

La soco wararka iyo ogeysiisyada rasmiga ah ee ay soo saarto Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (SICA) ee la xiriira nidaamka e-Visa.

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan jebinta xogta, booqo: Data Breach Resources | Federal Trade Commission

- Advertisement -

Read more

Local News