29.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Cabdiweli Gaas oo billaabay howl-galkii loo igmaday

Bookmark
Bookmarked

Share

Juba (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah iyo Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Koonfurta Sudan, Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u billaabay howlaha nabadaynta dalkaas.

Dr Gaas ayaa warqadaha wakiilnimo ee Midowga Afrika u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koofurta Suudaan, Dr Monday Semanyo Kumba, maadaama hoggaanka ururku u igmaday nabadaynta dalkaas.

“Farxad ayay ii tahay in warqadaha aqoonsiga wakiilnimo aan ku wareejiyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Koofurta Suudaan Dr Monday Semanya Kumba, waad ku mahadsan tahay wasiir sida wanaagsan aad iigu soo dhaweysay,” ayuu Cabdiweli ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray.

Gaas ayaa haatan dadaal ku bixinaya sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada siyaasadda dalkaasi isku haya, si loosoo afjaro colaadda ka dhex jirta.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Gaas ayaa dhawaan si rasmi ah u qabtay xilkaan, isagoo loo xil-saaray hoggaaminta dadaallada dhex-dhexaadinta iyo nabad-dhisidda ee dalkaas oo qarka u saaran colaad dib u soo cusboonaata.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf ayaa bishii October xilka ku soo dhoweeyay Dr. Gaas, isagoo magacaabistan ku tilmaamay “tallaabo lagama maarmaan u ah xoojinta ka-qaybgalka Midowga Afrika ee Koonfurta Sudan.”

Wuxuu muujiyay kalsoonida uu ku qabo in “fahamka qotoda dheer ee Dr. Gaas ee gobolka iyo khibraddiisa siyaasadeed ee ballaaran” ay gacan ka geysan doonto dib u soo nooleynta geeddi-socodka nabadda ee dalkaas oo aan sal adag lahayn.

Dr. Gaas oo ah siyaasi iyo aqoonyahan Soomaaliyeed oo ruug-caddaa ah, wuxuu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya soo ahaa laga soo bilaabo Juun 2011 ilaa Oktoobar 2012. Muddadaas wuxuu hoggaaminayay marxaladdii uu dalku uga gudbayay dowlad ku-meelgaar ah una gudbayay hanaan siyaasadeed oo rasmi ah.

Markii uu xafiiska ka tagay, wuxuu muddo kooban ka mid ahaa Baarlamaanka Federaalka, kahor inta aan loo dooran Madaxweynihii shanaad ee Dowlad Goboleedka Puntland bishii Janaayo 2014, isagoo maamulkaas hoggaaminayay muddo shan sano ah. Muddo xileedkiisii Puntland wuxuu diiradda ku saaray dib-u-habeynta maamulka, horumarinta hay’adaha, iyo dibloomaasiyadda heer gobol.

Arrimahan ayaa imanaya xilli xiisad culus ay Koonfurta Sudan ka jirto, halkaasoo kooxaha iska soo horjeeda ay sii wadaan qorashada dagaalyahanno, oo ay ku jiraan carruur, taasoo ka hor imanaysa Heshiiskii Dib-u-soo-nooleynta ee Xallinta Khilaafka Koonfurta Sudan (R-ARCSS) ee 2018.

Si kastaba, Dr. Gaas wuxuu hoggaamin doonaa hawlgallada Midowga Afrika ee Koonfurta Sudan, isagoo ka shaqeyn doona isusoo dhoweynta kooxaha iska soo horjeeda, xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah, iyo horumarinta dib-u-habeynta maamulka.

Howl-galkiisa waxaa sidoo kale qayb ka ah iskaashi lala sameeyo saaxiibbada caalamka si loo taageero adkeynta nabadda iyo dib-u-dhiska hay’adaha ee dalka ugu da’da yar adduunka.

- Advertisement -

Read more

Local News