26 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Galmudug oo DF Soomaaliya ka difaacday eedeyn xasaasi ah oo ay u jeedisay Puntland

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa si adag u beeniyay eedeymo ay Puntland ku sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo ku tababarto koonfurta Gaalkacyo.

Ciidamadaas ayey Puntland sheegtay in looga dan leeyahay in lagu wiiqo amnigeed, taas oo gebi ahaanba jiritaankeeda ay meesha ka saartay Galmudug.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa ku tilmaamay hadallada Puntland kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana dhaawacaya kalsoonida iyo wada-shaqeynta maamulada deriska ah.

Waxay Puntland u jeedisay in haddii ay jirto arrin dhab ah ay soo bandhigto caddeymo muujinaya in ciidamo ka soo jeeda Puntland lagu tababarayo koonfurta magaalada.

Sidoo kale, Galmudug waxay eedeymaha ku tilmaamtay gef ka dhan ah maamulkooda, iyagoo dalbaday in laga bixiyo raalli-gelin. Xildhibaan Bashiir Sheikh Axmed oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa yiri: “Haddii tabasho jirto, guddoomiyaha Mudug ee Puntland ha keeno caddeymo. Waxaan diyaar u nahay inaan kaxayno oo tusno xeryaha ay sheegeen in lagu tababaro ciidamo lagu burburinayo Puntland.”

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheikh Cali (Jifojabsade) oo eedeyntan jeediyay ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in Galmudug loo maro qorshayaal wax u dhimay amniga Puntland.

Guddoomiyaha ayaa wuxuu ku adkaystay in ay jiraan xeryo ku yaalla koonfurta Gaalkacyo oo lagu diyaarinayo maleeshiyaad loogu talagalay in lagu carqaladeeyo xasilloonida Puntland.

Muranka ayaa soo ifbaxay xilli Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi uu dhawaan xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay ciidamo ku tababarto deegaano ka baxsan Puntland, balse ay yihiin ciidan qaran oo aan wax xiriir ah la lahayn dano gaar ah oo Puntland ka dhan ah.

Dhawaan ayey aheyd markii Dowladda Federaalka ay mushaar u dirtay in ka badan 2,500 askari oo ku kala sugan magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo, kuwaas oo helay lacag dhan $200 midkiiba.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, lacagtan oo qeyb ka aheyd mushaarka ay bixiso dowladda dhexe ayaa lagu wareejiyay hab bangi ah, iyadoo fariimaha lacag dirista ee la arkay ay muujinayaan in askartan ay ka tirsan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).

Ciidamada lacagta la siiyay ayaa waxay u badan yihiin qaybaha PSF ee Boosaaso ku sugan iyo cutubyada Danab ee uu hoggaamiyo Jeneraal Jimcaale, kuwaas oo fariisimo ku leh magaalada Garoowe.

Ciidamadaas ayaa la sheegay in Madaxweyne Saciid Deni oo aragti ahaan is-hayaan uu ka jartay mushaharkii ay qaadan jireen, taas oo sababtay caro iyo cabasho ciidan xoog leh. Sidoo kale, ilo kale ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee jooga magaalada Gaalkacyo ay iyaguna heleen lacagtaas.

Bixinta lacagahaas ayaa kusoo aaday xilli uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhawaan sheegay in ciidamo federaal ah ay ku sugan yihiin gudaha Puntland. Ciidamadan oo Madaxweynuhu sheegay in ay joogaan meelo kamid ah maamulka Puntland, ayuu tilmaamay inay geli karaan dagaalka ka socda Calmiskaad, balse aysan illaa iyo hadda codsi ka helin dhanka Puntland.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyadoo bilihii lasoo dhaafay si weyn loo hadal-hayay inay jiraan ciidamo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka qoratay deegaannada Puntland, taas oo abuurtay xiisad xooggan, maadaama haatan khilaaf xooggan uu ka dhexeeyo labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News