26.3 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Booliska Puntland oo war ka soo saaray dhacdo dil ah oo sababtay kacdoon dadweyne

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Booliska Puntland, gaar ahaan taliska gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku soo dhigeen haweeney lagu tuhunsan yahay dilka gabadh yar oo ku geeriyootay magaalada Gaalkacyo.

Warbixinta booliska ayaa lagu xusay in la qabtay Hodan Maxamuud Diiriye, oo loo heysto dilka Saabiriin Saylaan Cabdulle oo 14 jir ahayd.

Qoraal rasmi ah oo ay soo saareen booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Hodan Maxamuud Diiriye oo 34 jir ah, ay hadda ku jirto gacanta ciidamada, isla markaana la guda galay baaritaanka hordhaca ah.

Boolisku wuxuu intaas ku daray in marka baaritaanku soo dhammaado eedeysanadda la horgeyn doono maxkamadda sida uu sharcigu tilmaamayaan.

Dilka Saabiriin ayaa kiciyay caro bulshada Gaalkacyo, iyadoo haweenka magaalada qaarkood ay mudaharaadyo dhigeen, kaasi oo ay ku dalbanayeen in marxuumaddu hesho caddaalad.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan TALISKA qeybta Gobolka Mudug ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanad Hodan Maxamuud Diiriye, oo 34 jir ah, taas oo lagu eedeeyay in ay dishay Marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle, oo 14 jir ahayd.

Eedeysanadda ayaa haatan ku jirta gacanta Ciidanka Booliska, waxaana lagu wadaa baaritaan hordhac ah, Kadib marka baaritaanku soo dhamaado, eedeysanadda ayaa la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Booliska Puntland ay ku xaqiijinayaan ilaalinta sharciga, difaacidda nolosha iyo xuquuqda muwaadiniinta, iyo ka hortagga dambiyada lidka ku ah amniga bulshada.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu ku boorinayaa shacabka ku sugan Gobolka Mudug in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta falal amni-darro ah ama dhaqdhaqaaqyo laga shakiyo, si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga guud ee bulshada.

FIIRO-GAAR AH:

Haddii aad heshid xog ku saabsan falal amni-darro ah, ama aad aragtid wax laga shakiyo, la soo xiriir Ciidanka Booliska Gobolka Mudug.

Ciidanka Booliska Puntland waa diyaar 24/7 — si ay u gutaan waajibaadkooda ilaalinta sharciga, difaaca shacabka, iyo sugidda nabadda dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News