Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee maamul-goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gara ahaan is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.
Maxamuud Sayiid Aadan ayaa warsaxaafadeedkiisa kusoo koobay saddex qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo kala ah; 1-Shir Deg-deg ah oo ay qabtaan hogaamiyaasha Golaha Wada-tashiga Qaranka, 2- Wada-qancinta musharaxiinta hogaanka dalka ee sanadka 2026 iyo 3 Talo ku socota Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa kale oo uu muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafaadka sii kordhaya ee ka dhex jira hay’adaha dowladeed ee heer federaal iyo federaal-goboleed.
“Waxaa lama huraan ah in la qabto shir aan shuruudo lagu xirin, oo ay iskugu yimaadaan Hogaamiyaasha Golaha Wada-tashiga Qaranka si looga wada hadlo ajandayaasha masiiriga ah ee kala aragti duwanaanshaha dhalinaya. Shirkaasi wuxuu horseedi karaa go’aanno mideeya dalka iyo dadka Soomaaliyeed” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamuud Sayid Aadan.
Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran;-
Cinwaan: Baahida Loo Qabo Wada-tashi Qaran oo Deg-deg ah iyo Hoggaan Mudnaanta Siinaya Danta Guud
Waxaa isa soo taraya walaaca iyo kala duwanaanshaha aragtiyeed ee ka dhex taagan hay’adaha siyaasadda Soomaaliya, taas oo muujinaysa in xaaladda dalka ay weli tahay mid adag oo u baahan xalal dhab ah. Muddo dheer oo aan ka mid ahaa geeddi-socodka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, waxaan xaqiijiyey in ay jiraan caqabado badan oo hor taagan soo kabashada qaranimada, kuwaas oo ay ka mid tahay in Soomaaliya aysan weli helin hoggaan danta guud ka hormariya danta gaarka ah.
Iyadoo ay sidaas tahay, waxaan soo jeedinayaa qodobbadan hoos ku xusan:
- Shir Deg-deg ah oo ay Qabtaan Hogaamiyaasha Golaha Wada-tashiga Qaranka
Waxaa lama huraan ah in la qabto shir aan shuruudo lagu xirin, oo ay iskugu yimaadaan Hogaamiyaasha Golaha Wada-tashiga Qaranka si looga wada hadlo ajandayaasha masiiriga ah ee kala aragti duwanaanshaha dhalinaya. Shirkaasi wuxuu horseedi karaa go’aanno mideeya dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
- Wada-qancinta Musharaxiinta Hogaanka Dalka ee Sanadka 2026
Musharaxiinta u tartamaya hogaanka dalka ee 2026 waa in lagu wargeliyaa lana qanciyo muhiimada go’aannada kasoo baxa Golaha Wada-tashiga Qaranka, maadaama ay saameyn ku leeyihiin mustaqbalka dalka.
- Talo ku Socota Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Mohamud
Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa inuu si geesinimo leh u eego afarta jaho ee dalka, una hoggaamiyo shacabka isagoo adeegsanaya qaaciddada: maxaa macquul ah maanta?
Waa waqtigii laga gudbi lahaa dano gaar ah, waxaana loo baahan yahay hoggaan dalka mideeya una horseeda xasillooni iyo horumar.
Gunaanad
Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan u taagan danta guud, diyaarna u ah inuu dhiso dowladnimo waarta oo ka turjumta rabitaanka shacabka. Talo iyo wada-tashi qaran ayaa ah jidka keliya ee lagu gaari karo xasilooni iyo horumar waara.
—DHAMMAAD—

