27.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Daawo: Cabdi Xaashi: Waan ka quustay Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo maanta jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa quus ka muujiyay xaaladda guud ee Soomaaliya, isaga oo diray farriin culus oo muhiim ah.

Cabdi Xaashi ayaa tix erayo ah ku cabiray dareenkiisa, wuxuuna sheegay in dowladnimadii la dumiyay, dadkii Soomaaliyeedna ay qaxooti ku yihiin caalamka, kuna dhiban yihiin.

“Aniga waan quustay, dowladdeennii baynu duminay qaxooti ayeynu nahay aan qiime ku lahayn adduunka, aynu ka fekirno waddaniyad iyo sidaan dalkeena dib ugu mideyn lahayn waxaynu noqonay dowlado reera ah cadow baa inna kala qaybiyey, Soomaali ma anfacdo reero calan sita, war Qarannaa ina anfacda ma kala go’i karno.” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in laga wada shaqeeyo midnimada dalka, isla markaana laga tego qabiilka iyo calamada gaar gaarka ah ee haatan la sameystay.

“Soomaali midnimo ayay u baahan tahay calamo la sameysto oo reer hebel uma baahna ma kala maaranto, mana kala go’i karto”. ayu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Eerygaa waxaa maanta iga keenaya xaaladaha aan arko dareen aan qabo ayaa iga keenayo”.

Hadalkan qiirada leh ayuu guddoomiyuhu maanta ka dhex sheegay kulan ay yeesheen xubnaha Golaha Aqalka Sare, kaas oo lagu ansixiyay guddiga madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, si uu guda galo howlaha shaqo ee loo igmaday.

Gudddigan oo ay maanta golaha horgeysay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh lagu meel-mariyay.

Sida uu shaaciyay guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa ogolaaday 28 Senator, halka 1 Senator uu ka aamusay, taas oo ka dhigeysa in guddiga uu helay sharciyad buuxda.

Ugu dambeyn waxaa isla meesha lagu dhaariyay xubnaha guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, kadib markii ay heleen codka kalsoonida ee Golaha Aqalka Sare Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News