26.5 C
Mogadishu
Friday, November 21, 2025

Xubnihii Soomaaliya ee barlamaanka EALA oo lagu wado in lasoo celiyo kadib fadeexaddii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Arusha (Caasimada Online) – Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika ee Arusha ayaa lagu wadaa in ay soo celiso 9-ka xubnood ee Soomaaliya ku metelaya baarlamaanka urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EALA).

Xildhibaannadan ayaa muddo loo hakiyay musuq-maasuq dartiis, kadib markii koox siyaasiyiin Soomaali ah oo dacwad ka dhan ah doorashadaas u gudbiyeen Maxkamadda EACJ ee fadhigeedu yahay Arusha.

Siyaasiyiintan ayaa ku doodaya in hannaankii soo xulista uu baal-maray shuruucda aas-aasiga ah ee ururka.

Dacwoodayaasha ayaa sheegay in geeddi-socodka oo dhan lagu soo koobay muddo shan maalmood gudahood ah, isla markaana musharrax kasta laga qaaday lacag diiwaangelineed oo gaaraysa ku dhowaad $10,000.

Waxay ku eedeeyeen in liiska kama dambaysta ah lagu saleeyey eex iyo qaraabo-kiil, laguna soo koobay shakhsiyaad xiriir dhow la leh madaxda sare ee dalka, halkii laga hubin lahaa inuu ka dhex muuqdo aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan.

Maxkamadda ayaa markaas si KMG ah xayiraad u saartay dhaarinta sagaalka xubnood ee Soomaaliya ilaa inta laga garnaqayo dacwadda rasmiga ah, taas oo lagu wado in haatan dib loo celiyo.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya in doorashadu u dhacday si waafaqsan xeerarka dalka, waxayna wacad ku mareen inay kiiska iska difaaci doonaan.

Waxay ku doodayaan in murankan uusan noqon mid carqaladeeya dadaalka ballaaran ee dalku ugu jiro inuu si buuxda u dhexgalo hay’adaha kala duwan ee EAC.

Si kastaba, haddii la soo celiyo xubnahan ayaa dhabar jab ku ah Dowladda Soomaaliya oo ayadu hore ula daahday soo xulista xildhibaannada, iyadoo muddo xilkeedka baarlamanka EALA ay ka harsan tahay wax ka yar laba sanno.

- Advertisement -

Read more

Local News