Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa waxaa ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay tallaabo ay qaadeen Al-Shabaab oo xayiraad saartay gaadiidkii shidaalka gayn jiray gudaha magaaladaasi.
Arrntan ayaa keentay in sare u kac laga dareemayo qiimaha shidaalka ee suuqyada Jowhar, waxayna saameyn ku yeelatay darawallada gaadiidleyda ee ka howlgala magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay xanibeen gaadiidkii shidaalka gayn jiray halkaasi, kuwaas oo ka bixi jiray caasimada Muqdisho, balse haatan culeys kala kulmay kooxda.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale lacago dheeraad ah kusoo rogay gaadiidka oo ay u galeen waddada, sida ay ku warrameen qaar kamid ah darawallada kaxeeya baabuurta Jowhar.
Sidoo kale, wadayaasha ayaa ku dooday in arrintan ay saameyn ku yeelatay shaqadooda, maadaama shidaalka qaali u noqday, shaqadoodina ay sidaas ku istaagtay.
Waxaa kale oo ay intaas ku dareen, haddii ay ka shaqeyn lahaayeen gudaha magaalada oo kaliya in uusan ku filneen qarashka ay helayaan, maadaama uu sare u kacay shidaalka.
Shacabka ayaa sidoo kale dareemay culeyskan, maadaama ay yaraadeen gaadiidkii ka shaqeynayay magaalada Jowhar ee caasimaa dowlad-goboleedka HirShabelle iyo deegaannada kale, sida Mahadaay iyo qaybo kamid ah gobolka Hiiraan.
Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda HirShabelle oo ku aadan cabashada kasoo yeereysa shacabka ee ka dhalatay xanibaadda ay saartay Al-Shabaab.
Horay maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa dhaq-dhaqaaqyo uga sameeyay deegaanno dhow caasimada Jowhar, maadaama ay dib u qasadeen goobo horay looga xoreeyay.

