Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Ciidanka Booliska Warta Nabadda ayaa gacanta kusoo dhigay laba eedeysanayaal oo loo haysto inay jirdil iyo dhaawac u geysteen gabar yar oo 13 jir ah.
Gabadhan yar oo lagu magacaabo Caasho Cali Cabdi ayaa waxaa kiiskeeda loo soo xiray Xasan Cabdikariin Maxamed iyo Shukri Cali Xasan, sida uu shaaciyay taliska booliska.
Gabadha dhibbanaha ah oo ku nooleyd guriga eedeysanayaasha ayaa la xaqiijiyay inay u geysanayeen jirdil, dhaawac iyo cabsi gelin joogto ah, falkaas oo ah mid aan laga filaynkarin.
Eedeysanayaasha ayaa haatan ku jira gacanta booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loo waafajiyo.
“Muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta joogaan, waxaa laga codsanayaa in ay la so wadaagaan hay’addaha amaanka hadii soo gaaraan falal nuucaan oo kala ah, si aan u wada ilaalino masuuliyadda naga saaran caruurta Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska booliska.
Kiisaska xadgudubyada ka dhanka ah carruurta oo muddooyinkii dambe isa soo tarayay ayaa hadal-hayn badan dhaliyay, waxaana hore maxkamadaha dalka loo horgeeyay dhowr kiis oo la xiriira arrimo noocaan oo kale ah. Dowladda ayaana loogu baaqay in ay sharciyo adag ka soo saarto, si looga hortago falalka lagu waxyeelleeyo carruurta.

